Home » Horyaalada » Saadaasha Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson Kulamada Horyaalka Premier League-ga Isbuucaan.

Saadaasha Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson Kulamada Horyaalka Premier League-ga Isbuucaan.

Khabiirka BBC-da Mark Lawrenson ayaa cabiray saadaashiisa ku aadan kulamada horyaalka Premier League-ga ee isbuucaan la ciyaari doono, inkastoo saadaashiisa ay ugu badnaan rumowdo marka laga hadlo guulaha, barbaraha iyo guuldarooyinka uu saadaaliyo hadana kulamada isbuucaan wuxuu guulo u diiday Arsenal, Tottenham Hotspur iyo Manchester City kuwaas oo kamid ah lixda kooxood ee ugu sareeya horyaalka.

Lawro wuxuu aaminsan yahay in Tottenham Hotspur aysan guul ka qaadan doonin Burnley kulanka ay martida u tahay, sidoo kalana wuxuu qabaa in kulanka Etihad Stadium ay Arsenal iyo City ku kala bixi doonaan barbaro.

Khabiirka wuxuu guulo siiyay kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Manchester United – kulamadooda ay la yeelanayaan Everton, Crystal Palace iyo West Brom.

Hadii sida uu wax u saadaaliyay u dhacaan Liverpool ayaa gali doonta booska 3-aad iyadoo United ay ku dhawaan doonto booska 4-aad iyadoo laba kulan gacanta ku heysta, balse saadaal walba iney rumowdo waa wax aad u adag marka laga hadlo boqoleyda wixii lasoo arkay.

Liverpool 2 – Everton

Burnley 1 – 1 Tottenham Hotspur

Chelsea 2 – 0 Crystal Palace

Hull City 1 – 0 West Ham United

Leicester City 2 – 0 Stoke City

Manchester United 2 – 0 West Bromwich Albion

Watford 2 – 1 Sunderland

Southampton 1 – 1 AFC Bournemouth

KULAMADA AXADDA

Swansea City 2 – 0 Middlesbrough

Arsenal 1 – 1 Manchester City

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *