Home » Maxaa Cusub » Sanchez → Chelsea, Douglas → Juve, Ndidi → Arsenal & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Sanchez → Chelsea, Douglas → Juve, Ndidi → Arsenal & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda reer mareykan ee LA Galaxy marka uu dhamaado heshiiska uu ku joogo Old Trafford. (Fox Deportes)

Alexis Sanchez ayaa doonaya inuu ku biiro Chelsea, balse waxaa jiri doona dagaal ba’an oo kooxaha qaaradda yurub ku dhexmari doona heshiiskisia. (Telegraph).

Lionel Messi ayaa ogolaaday inuu heshiiska u kordhiyo Barcelona bisha soo aadan isagoo qalinka ku duugi doona heshiis afar sano ah. (Cadena SER)

Manchester United ayaa qarka u saaran iney ku garaacdo Arsenal saxiixa daafaca bidix ee kooxda Celtic Kieran Tierney si uu badal ugu noqdo Luke Shaw. (Mirror).

Chelsea ayaa durba sii eeganeysa badalka Victor Moses kaas oo ay dhaawacyo lasoo darseen, waxaana Antonio Conte uu doonayaa daafaca midig ee Atalanta Andrea Conti. (Mirror)

Mamadou Sakho ayaa u muuqda mid kusii jeeda Crystal Palace, balse Liverpool ma dooneyso iney xidigeeda reer France ku iibiso in ka yar 30 Malyan oo Pound. (Liverpool Echo).

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa ku dagaalami doona saxiixa burburiyaha Leicester City Wilfried Ndidi. (Mirror).

Juventus ayaa diyaarineysa qorshe balaaran oo ay kula soo saxiixaneyso garabka Bayern Munich iyo qaranka Brazil Douglas Costa. (Fox Sport Italia).

Arsenal ayaa wakiilo soo daawada u dirtay ciyaariyahanka khadka dhexe kooxda Udinese Jakub Jankto kaas oo lasoo baxay qaab ciyaareed aan caadi aheyn. (Gazzetta dello Sport).

James Rodriguez ayaa heysta afar wado oo uu kaga baxsado xabsiga Santiago Bernabeu, waxaana u furan Liverpool, Manchester City, Arsenal iyo Chelsea oo dhamaan ka wada dhisan England. (Mirror).

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *