Home » Maxaa Cusub » Sawiro: Tababare Antonio Conte Oo Xerada Tababarka Blues Ee Cobham Kusoo Dhaweeyay Claudio Renieri

Sawiro: Tababare Antonio Conte Oo Xerada Tababarka Blues Ee Cobham Kusoo Dhaweeyay Claudio Renieri

Tababaraha haatan ee Chelsea Antonio Conte ayaa xerada tababarka kooxda ee Cobham kula kulmay shalayto [Jimco] tababarahii hore Blues Claudio Renieri.

Labada nin ee reer talyaani waxey la wada sheekeysteen ciyaariyahankii hore Chelsea Jody Morris ka hor kulanka Bournemouth ee maanta dhici doona.

Renieri wuxuu xaadir ahaa sidoo kalana uu daawanayay kulankii ay kooxdiisii hore 2-1 kaga adkaatay Manchester City markaas oo ay xoojiyeen raadint qadiyadooda ku guuleysiga koobkoodii 5-aad ee Premier League.

Chelsea waxey haatan 7-dhibcood ka sareysaa Spurs oo galinka hore ee maanta la ciyaareysa Watford, sidoo kalana ay la socon doonto xaaladda walow ay la ciyaari doonaan fiidnimada caawa ah Bournemouth iyagoo ka warqaba natiijooyinka kulamada City, Liverpool iyo Spurs.

Dhanka kale Eden Hazard ayaa aaminsan iney talaabo hormar leh u qaadeen hanashada horyaalka Premier League: “Waan ku dhawaanay halkaa, balse wali wado dheer ayaa horteena ah”

“Waxaa nagu soo wajahan kulamo adag, balse diyaar ayaan u nahay wax walba, sideed kulan ayaa noo hartay, waxaana dooneynaa inaan ugu sareyno, waana bartilmaameedkeena”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *