Home » Europe » Seddex Koox Oo Ka Ciyaara Premier league Oo Wada Cayrsanaya Xidig Garabka Kaga Ciyaara Leicester, Hadaba Waa Kuma Xidigaasi Iyo Qiimaha Lagu Heli Karo?

Seddex Koox Oo Ka Ciyaara Premier league Oo Wada Cayrsanaya Xidig Garabka Kaga Ciyaara Leicester, Hadaba Waa Kuma Xidigaasi Iyo Qiimaha Lagu Heli Karo?

 

Leicester City ayaa helaysa dalabyo farabadan oo kaga imaanaya kooxaha Everton, Liverpool iyo Tottenham, ayadoo dhammaan kooxahani ay wada dooonayaan xidiga garabka ka cayaara ee Demarai Gray kaas oo lagu qiimeeyo £12m.

 

Xidigan ka tirsan xulka qaranka England kuwa ay da’doodu ka hoosayso 21-ka sano ayaa u dagaalamayay boos joogto ah xilli ciyaareedkan taas oo aan ka celin doonin in kooxahani ay diiwaan gashtaan xidigii hore ee Birminham.

Demarai Gray: Liverpool target

 

Inkastoo uu saftay 33-jeer, 21 kamid ahna ka yimid kursiga kaydka ayaa ciyaaryahankani lagu soo warramayaa in uu ka niyad jabsanyahay fursad laanta ka haysata kooxda.

 

Waxaana lagu heli karaa lacag ka yar £12million si loola saxiixdo xidigan ku wanaagsan ka cayaarista garabka ayadoo Sunday Mirror ku warramayso in lacagtan lagu bur burin karo qandaraaska uu Gray kula jiro Leicester City.

 

20-jirkan ayaa Leicecester City kaga soo biiray Birmingham qiimo lacageed dhan  £3.5m January 2016, ayadoona dawacooyinku ay caga jiidanyeen  in ay ku siiyaan qaab amaah seddexdan koox ee ee doonaya heshiiska xidigan.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *