Home » Europe » Champions League » Sevilla Oo Fariin U Dirtay Kooxda Leicester Ka Dib Markii Ay Guul Daro Kala Kulantay Lugtii Labaad Tartanka Champions league

Sevilla Oo Fariin U Dirtay Kooxda Leicester Ka Dib Markii Ay Guul Daro Kala Kulantay Lugtii Labaad Tartanka Champions league

Kooxda reer spain ee Sevilla ayaa soo bandhigtay bandhig cajiib  ah ka dib markii ay isaga soo hartay tartanka horyaalada yurub ee Champions league.

Kooxda reer Spain ayaa isku cel celis ahaan lagu quusiyay 3-2 labadii kulan ay lasoo ciyaartay kooxda reer England ee Leicester taasoo ay xusid mudantahay in 2-0 looga soo adkaaday kulankii u danbeeyay ay ku wada ciyaareen garoonka King Power Stadium.

Steven N’Zonzi ayaa gool ku laad waqti danbe ka qasaariyey kooxda Sevilla taasoo ay u sabab ahayd in ay isaga harto tartamda qaarada yurub halka Samir Nasri laga saaray garoonka, xili Morgan iyo Marc Albrighton goolal u dhaliyeen kooxda Leicester.

 

Jah wareer iyo niyad jab badan ka dib Sevilla ayaa barteeda Twitter-ka fariin ugu dirtay kooxda Leicester tasoo ay ujeedkeedu tahay in ay Leicester u rajenayaan heer wanaagsan in ay ka gaaraan Champions league.

Leicester ayaa haatan sugeysa kooxda lagu aadin lahaa sided dhamaadka tartanka Champions league halka Sevilla ay kaliya ciyaari doono horyaalka La Liga.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *