Home » Maxaa Cusub » Shan Ka Mid Ah Xidigaha Chelsea Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Xun Isbuucaan Horyaalka Premier League.

Shan Ka Mid Ah Xidigaha Chelsea Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Xun Isbuucaan Horyaalka Premier League.

Shan ka mid ah ciyaartoyda Chelsea ayaa hogaminaya shaxda kooxda ugu xun isbuucaan horyaalka Premier League kadib bandhigoodii liitay ee kulankii Old Trafford sida ay shaacisay shabakadda caalamiga ah ee Goal.

Shaxdaan oo lagu dhisay nidaamka 4-4-2 waaxaa daafaca kasoo muuqday kaliya Kourt Zouma iyadoo aysan wax ceeb ah yeelan Cahil, Luiz iyo Azpilicueta, balse Moses, Matic iyo Hazard ayaa kasoo muuqday liiska safkaan ee khadka dhexe halka Diego Costa uu isna ka mid noqday labada weerar ee ugu liitay isbuucaan sida lagu daabacay Goal.

Dhanka kale goolhayaha dhawrka jeer kasoo muuqday shaxda kooxda ugu fiican ee Randolph ayeysan u aheyn isbuuc wanaagsan kadib markii ay laba gool ka dhaliyeen ciyaartoyda Sunderand iyadoo Black Cats ay 701-daqiiqo kadib gool ka heleen horyaalka.

Jack Wilshere iyo Cook oo ka tirsanaa ciyaartoyda Bournemouth ee xasuuqa kala kulmay Spurs kulankii martida loo ahaa, waxaa sidoo kale kasoo muuqday shaxdaan daafaca West Ham – Byram iyo sidoo kale labada xidig ee Swansea City – Mawson iyo Llorente.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *