Home » Horyaalada » Shan Sababood Oo Asrene Wenger Uu Baaqi Ugu Sii Ahaan Karo Garoonka Emirates Stadium Ee Kooxda Gunners

Shan Sababood Oo Asrene Wenger Uu Baaqi Ugu Sii Ahaan Karo Garoonka Emirates Stadium Ee Kooxda Gunners

Arsene Wenger ayaa ku jira sanadkii ugu xumaa 21-kii sano uu soo maamulayey kooxda Arsenal.

Gunners ayaa bishii lasoo dhaafay isaga hartay tartanka Champions league sidoo kale waxey halis ugu jirtaa in ay kasoo muuqan weyso afarta ugu sareysa ee ka qayb galaya tartanka xili ciyaareydka soo socda xili guul daro ay 3-1 ah ay West Brom kala kulantay maalintii sabtida ahayd.

Taageerayaasha kooxda ayaa diyaarad dibta uga soo xireen maalintii sabtida ayakoo Hawthorns dusha ka marsiiyeen oo ay ku leeyihiin “Ma Jiro Wax Heshiis Ah, Wenger Isaga Tag Kooxda”

Balse waxaa jira sababo kale uu kooxda baaqi uu kusii ahaan doono uu sanad kale saxiix qalinka ugu duugi karo waana kuwaan shanta sabab.

1.Tony Pulis Oo Sheegay In Wenger Uu Ku Yiri Baaqi Baan Kusii Ahaan.

Five signs Arsene Wenger is going to stay on as Arsenal manager

ka dib markii ay soo idlaatay ciyaartii laga adkaaday Arsenal maalintii sabtida ahayd Tony Pulis ayaa yiri “waan la yaabi doonaa hadii uu isaga tago kooxda” ka dib markii suaal ku aadan Mustaqbalka Wenger wax laga weydiiyay.

 

2.Dhib Kuma Ahan Natiijada Ciyaarta Waxa Kasoo Baxa.

Five signs Arsene Wenger is going to stay on as Arsenal manager

markii ay soo idlaatay ciyaartii West Brom ay ka adkaatay Arsenak Wenger ayaa saxaafada u sheegay in maskaxdiisa ay ku maqantahay mustaqbalkiisa uu ka fakirayo.

Macalinkan reer France ayaa hore ugu hadlay kooxda Arsenal halka ay kaga dhameesan doonto kala sareynta horyaalka.

3.Wenger Oo Garab Weyn Ka Haysta Maamulka Kooxda.

Five signs Arsene Wenger is going to stay on as Arsenal manager

Arsene Wenger ayaa mudadii koxod auu ku sugnaa dhaqaalo badan ku bixin suuqa kala iibsiga waana mida ay ku jecelyihiin maamulka kooxda.

Markii uu Stan Kroenke uu saamigiisa hoos u dhac ku yimid sanadii 2009 wuxuu ku abaal mariyey in uu la wadaago kooxda Aduun lacageed gaaraya £8,500, sideed sabo ka dib saamigiisa wuxuu sii maraya haatan  £15,670.

4.Labo Sano Oo Heshiis Ah Oo Miiska Loo Soo Saaray.

Five signs Arsene Wenger is going to stay on as Arsenal manager

waxaa la aamisanyahay in uu haysto labo sano oo heshiis cusub uu ku saxiixi karo maadama ay maamulka kooxda ay miiska u soo saareen heshiis hor leh waxeyna ka dhigantahay in uu Wenger uu rajo weyn ka qabo in uu baaqi kusii ahaado kooxda.

heshiiskiisa dhabta ah wuxuu dhacayaa markii uu soo idlaado xili ciyaareydkan balse maamulka kooxd ayaa ka warsugaya Wenger go’aanka uu qaadan doono.

5.Ma Jirto Wax Xaqiiqo Ah In Uu Shaqada Ka Badali Doono.

Five signs Arsene Wenger is going to stay on as Arsenal manager

Magacayada la xusayey in ay shaqada macalin-nimo ee kooxda ay la wareegaan waxaa ka mid aha Tuchel Oo maamula kooxda Borrusia ee dalka Germany.

Macalinkan Reer Germanya ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax xaqiiqo ah oo ku aadan in uu shaqada ka badali doono macalin Arsene Wenger.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *