Home » Maxaa Cusub » Shaxda Kooxda Ugu Fiican Horyaalka Premier League Isbuucaan Oo Lasoo Saaray & Xidigo Waaweyn Oo Ka Maqan.

Shaxda Kooxda Ugu Fiican Horyaalka Premier League Isbuucaan Oo Lasoo Saaray & Xidigo Waaweyn Oo Ka Maqan.

Manchester United, Manchester City iyo Liverpool ayaan wax xidigo ah ku yeelan shaxda kooxda ugu fiican todobadkaan kulamada 31-aad ee horyaalka Premier League kadib markii ay xidigahooda soo bandhigeen qaab aan wanaagsaneen.

Arsenal ayaa sadex xidig ku yeelatay kadib markii ay guul weyn gaareen kulan London Derby ah waxaana qaabkooda aad loola dhacay Hector Bellerin, Gabriel Paulista iyo Mesut Ozil oo ahaa xidigii ugu fiicnaa Gunners xalay.

Kasper Schmeicel iyo Robert Huth ayaa muddo kadib kusoo shaxda kooxda ugu fiican todobaadka waxeyna guul ka heleen Stoke City inkastoo ay guulo waaweyn ku socdeen tan iyo markii la ceyriyay Claudio Renieri.

Redmond ayaa ka caawiyay Southampton iney guul ka hesho Crystal Palace, halka Ben Davies oo ka tirsan Spurs uu gacan weyn ka geystay guushii ay Spurs ka gaarta Swansea City, halka Dembele uu isna ahaa xidigii ugu fiicnaa Tottenham kadib Dele Alli.

Qiimeyntaan waxaa sameeyay shabakadda caalamiga ah ee Goal, iyadoo weerarka u dooratay xidiga Watford Troy Deeney.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *