Home » Horyaalada » La Liga Spain » Sida Neymar Junior- Miyey Macquul Tahay Cristiano Ronaldo Inuu Seego Kulanka El-Clasico?

Sida Neymar Junior- Miyey Macquul Tahay Cristiano Ronaldo Inuu Seego Kulanka El-Clasico?

Neymar ayaa qatar ugu jira inuu banaanka ka daawado kulanka El-Clasico inkastoo aysan jirin wax lagu hawlan yahay, balse waxaa macquul ah in lagu ciqaabo u sacbintii garsoorka afaraad markii laga saaray kulankii Malaga.

Miyuu Cristiano Ronaldo qatar ugu jiraa inuu seego kulanka El-Clasico? Dabcan hogaamiyaha xulka Portugal qarka ayuu u saaran yahay inuu seego kulanka El-Claico waa hadii uu kasoo muuqdo kulanka Sporting Gijon.

Cristiano Ronaldo wuu hal jaale u jiraa inuu ganaax ku maqnaado hal kulan, waxeyna ka dhigan tahay hadii Zidane uu adeegsado kulanka Gijon isla markaana uu jaale gudoomo inuu banaanka ka daawan doono kulanka ugu weyn kubadda cagta.

Dani Carvajal ayaa jaale kutalgal loo qaadan karo qaatay kulankii Madrid Derby isagoo seegi doona ciyaarta Gijon si uu taam buuxa ugu noqdo isagoo xor ahna soo laabto kulanka El-Clasico.

Ugu dambeyntiina go’aanka Zidane ayaa ka baajin kara ganaaxa oo u sahli kara inuu El-Clasico si tartiib ah kaga soo muuqdo waase hadii la nasiyo inkastoo inuu is ilaaliyo ay tahay arin kale oo badbaadin karta.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *