Home » Europe » Sir Alex Ferguson Oo Sheegay In Uu Ka Shallaaynayo Safafkii Uu Usoo Dooqday Fiinaaladii Champions League Ee Sanadihii 2008 Iyo 2011,Ogow Sababta.

Sir Alex Ferguson Oo Sheegay In Uu Ka Shallaaynayo Safafkii Uu Usoo Dooqday Fiinaaladii Champions League Ee Sanadihii 2008 Iyo 2011,Ogow Sababta.

Sir Alex Ferguson ayaa shaaca ka qaaday in uu ka shallaaynayo safafkii uu usoo doortay Finaaladii Champions League ee sannadihii 2008 iyo 2011.

Manchester United ayaa gaartay kama danbaysta Champions League 2-jeer seddex sano gudahaood, ayagoo mid guul darro huwiyay kooxda ay Premier League ay ku xifaaltamaan ee Chelsea ayagoo rigoorayaal uga guulaystay kadib barbaro  1-1 ah sanaddii 2008.

Kadib waxa ay ku wajaheen Barcelona sanaddii  2011 garoonka Wembley ayadoona si fudud loogu maray 3-1.

Sir Alex Ferguson: Regrets leaving Berbatov out of final squad

Asgoo lahadlayay MUTV, Ferguson ayaa qirtay inuu ka shallaaynayo safkii uu usoo  dooqday labada cayaar.

Inkastoo uu garaacay Chelsea koobskiisi labaad ee Champions League, ninkan reer Scotland ayaa aaminsan in uu usoo  dooqan waayo cayaarta Finalka Ji-sung Park ay gabi  ahaanba aheed wax qalad ah.

“Xaqiiqiqidii waxay ahaayen ciyaaryahano badan oo cajiib ah oo an ka haystay aragti fiican iyo wanaag, iyo saf xoogan,” ayuu yiri. “Dhibaatadaydii Finalkii 2008, laga yaabee xitaa inaan ka shallaaynayo maanta, miyaan kasoo tagay gabi  aahaanba  Ji-sung Park ciyaartii  final-ka.

“Isagu waxa uu ciyaaray door muhiim ah waana dhibaato marka aad aragto Fiinaaladan.”

Ferguson ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xidiga reer Bulgaria Dimitar Berbatov uusan u qalmin in laga saaro safkii wajahay Barcelona seddex sano kadib.

“Markaan ku sugneen Wembley, waan kasoo tagay Berbertov waxa uuna u qaatay xumaan. Isagu uma uusan qalmin middaa,” ayuu yiri.

“Ciyaaryahanna uma qalmo in laga saaro Finalka. Taasina waa sababta aan isugu dayayno shaqo adag marka aan joogno siminaarada Europe oo ah in ay tababarayaashu helaan 11-baddal marka la cayaarayo ciyaar Final ah.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *