Home » Falanqeynta » SKY SPORTS: Man United waa isbedeshay niyadda ayena ka jebisay xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo!

SKY SPORTS: Man United waa isbedeshay niyadda ayena ka jebisay xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo!

 

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay maankeeda bedeshay marka laga hadlaayo qorsheyaashii ay waday maalmihii ugu dambeeyey ee la xiriiray inay Cristiano Ronaldo dib ugu soo celiso garoonka Old Trafford xagaagaan, sida ay shaacisay shabakadda Sky Sports.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ayaa waxaa lala xiriirinaayey inuu dib ugu soo laaban doono kooxda 20ka jeer hanatay koobka England Premier League, ka dib markii ay soo baxeen warar la xiriirinaya inuu doonayo inuu ka tago dalka Spain.

Laakiin Man Utd hadda shaki ayey ka muujineysaa heshiiskiisaan, Sky Sports ayaana sheegeysa inay xaqiiqadu tahay inay Man United dooneyso in aysan ka qeyb noqon sheekada ay warbaahintu buunbuunineyso ee ku saabsan mustaqbalka 32 sanno jirkaan Ronaldo.

Qiimaha guud ee uu ku kacayo heshiiskaani iyo macquul ahaanshiyaha la xiriira sida uu heshiiskaani u adkaan doono ayaa sidoo kale ka dhigtay Man United mid ka walwalsan sheekada ugu weyn ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxayna aaminsan tahay Man United in haddii ay ku lug yeelato sheekadaan ay taasi qarin doonto qaabka ay isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub 2017 illaa 2018.

Ronaldo ayaan xitaa ka mid aheyn liiska xiddigaha diiradda u saaran tababaraha Man United Jose Mourinho xagaagaan, liiskaasoo uu u gudbiyey guddoomiye ku xigeenka Man United Ed Woodward laba bilood ka hor inta uusan dhammaan xilli ciyaareedkii 2016 illaa 2017.

Laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaanba bartilmaameed u noqon karin Man United, sabbatoo ah wuxuu qandaraas cusub oo shan sanno ah u saxiixay kooxdiisa Real Madrid bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay.

Laakiin waa xaalad isbedeshay Isbuucii lasoo dhaafay, markii Ronaldo uu adduunka ogeysiiyey inuu doonayo inuu ka huleelo Real Madrid oo difaacaneysa koobka horyaalka La Liga, maadaama uu ka carooday eedeymaha lacagaha canshuurta ah ee dhan 13ka milyan oo ginni ee ay kusoo oogtay dowladda Spain.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *