Home » Horyaalada » Bundesliga » Soo Laabashadii Barcelona Ee Camp Nou Oo Dhiirigalin U Noqotay Kubadda Cagta & Leverkusen Oo Ku Fakareysa.

Soo Laabashadii Barcelona Ee Camp Nou Oo Dhiirigalin U Noqotay Kubadda Cagta & Leverkusen Oo Ku Fakareysa.

Waxaa ku mahadsan Barcelona in koox walbaahi ay rajeyso rajo walba oo lama filaan ah markaad eegto wixii ay ku sameysay gurigeeda Camp Nou, waana cashir uu qof walbaahi bartay mudadiisa kubadda cagta.

Bayer Leverkusen ayaa u baahan iney kasoo laabato guuldaro 4-2 ah oo ay gurigeeda kaga gudoontay Atletico Madrid kulankii lugta hore wareega 16-ka Champions League.

“Wey iska cadahay iney tahay natiijo nagu adkaan karta si aan ugu soo gudubno wareega xiga ee tartanka, balse maalmahii lasoo dhaafay waxaan aragnay waxa ka dhici kara kubadda cagta” Ayuu yiri tababaraha Leverkusen Tayfun Korkut oo la hadlayay Marca.

“Uma aadi doono Madrid dareenka ah inaan goor hore harnay, waxaan u aadeynaa inaan dagaalanno ilaa dhamaadka” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale Diego Simeone ayaa ka hadlay hadii ay macquul tahay soo rogaal celinta Leverkusen iyadoo la ogyahay in todobaadkii hore ayey aheyd markii Barcelona ay 4-0 guuldaro ah oo soo gaartay lugtii hore ay kasoo laabatay markaas oo ay Paris Saint Germain ku xasuuqday 6-1, mana dhicin natiijo ceynkaas ah taariikhda tartanka Champions League ka hor kulankaas.

“Soo laabashada mar walba wey dhici kartaa” ayuu yiri Diego Simeone, “Kaliya maahan wixii ka dhacay Barcelona, waxaan doneynaa inaan ciyaarno kulankeena, waxaana rajeyneynaa inaan dagaalanno”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *