Home » Africa » SUUQA: Halyeey Hore Oo kasoo Jeeda Qaarada Afrika Oo Lala Xeriirinayo Horyaalka China

SUUQA: Halyeey Hore Oo kasoo Jeeda Qaarada Afrika Oo Lala Xeriirinayo Horyaalka China

 

Weeraryhankii hore kooxaha Barcelona iyo Chelsea Samuel Eto’o ayaa lala xeriirinayaa horyaalka Dalka China inuu u dhaqaaqo markii uu furmo suuqa kala iibsiga xili ciyaaredyka soo aadan.

Horyaalka Chinese Super League ayaa lacago waali ah kusoo dalbanaya xiidgaha ka ciyaara horyaalada kala duwan ee qaarada yurub.

Sidoo kale kooxda Shanghia SIPG ayaa iibsatay xidigaha ugu badan ee u dhaqaaqay horyaalka Chinese Super League wuxuuna ahaa xidiga ugu horeeyay ee u dhaqaaqo xidigii hore kooxda Chelsea Ee Oscar.

Weeraryahankan ayaa soo maray horyaalo kala duwan sida horyaalka dalka Spain iyo horyaalka dalka England kaasoo haatan u ciyaara koox ka dhisan dalka Turkey ee lagu maagcaawo Antalyaspor.

Waxaana xusdi mudan ka hor intuusan ku biirin kooxdaasi in lala xeriirinayey koxoda Dalian Yifang  ee ka ciyaarta horyaalka Chinese Super Leagu.

Kooxda Dalian Yifang  ayaa dooneysa in ay xiidgii hore xulka Cameroon in ay soo xera galiso markii la gaaro suuqa kala iibsiga xili ciyaareydka soo aadan.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *