Home » Europe » Champions League » Suuqa Kala Iibsiga: Romelu Lukaku Oo Ka Farxiyay Kooxaha Sida Ba’an U Doonaya Ee Man United & Chelsea

Suuqa Kala Iibsiga: Romelu Lukaku Oo Ka Farxiyay Kooxaha Sida Ba’an U Doonaya Ee Man United & Chelsea

Sida ay baahinayaan warbaahinta Ingiriiska weeraryahanka Everton Romelu Lukaku ayaa fariin farxad leh u diray kooxaha Manchester United iyo Chelsea kadib markii uu ka biyo diiday inuu saxiixo heshiis cusub.

Waxey u muuqatay in Lukaku uu noqon doono ciyaariyahankii ugu horeeyay ee ebid in ka badan 100,000 kun ka qaata Everton mushaarka isbuuclaha ah, balse wadahadaladii socday tan iyo xagaagii hore ma suuragalin.

Everton waxey 23-jirkaan heerka caalami u diyaariyeen aduun dhan 130,000 kun oo Pound, balse talaadadii shalay aheyd ayuu iska diiday arimaha la xiriira heshiiska cusub sida xan lagu helay.

Si kataba dhawaan ayey aheyd markii Mino Riola uu balan qaaday in xidigaan uu 99.9% joogi doono Goodison Park balse waxey u muuqataa iney isbadashay maskaxda xidiga reer Belgium waxaase loo badinayaa inuu kooxha waaweyn ka raadsan doono mcaash fiican iyo koobab waaweyn.

Manchester United iyo Chelsea ayaa ah labada kooxood ee ugu sareeya dhanka doonista Romelu Lukaku, waxaana dhexmari doona dagaal culus oo dhanka suuqa kala iibsiga ah.

Blues waxey dooneysaa iney Stamford Bridge kusoo celiso Romelu Lukaku, halka United ay dooneyso iney hesho badalka sanadaha soo aadan ee Zlatan Ibrahimovic.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *