Home » Horyaalada » “Taasi Waa Muhiimadeena” Gary Cahill Oo Ka Hadlay Muhiimada Ay U Leedahay Tartanka FA Cup-ka & Rajada Horyaalka Premier League

“Taasi Waa Muhiimadeena” Gary Cahill Oo Ka Hadlay Muhiimada Ay U Leedahay Tartanka FA Cup-ka & Rajada Horyaalka Premier League

Gary Cahill ayaa isku diyaarinaya in Chelsea ay u duusho Wembley taasoo ay la ciyaari doonaan Tottenham afar dhamaadka tartanka FA Cup-ka wuxuuna aaminsanyahay in chelsea ay xili ciyaareydkan qaadi doonto midkeeda labaad oo ula jeedo Horyaalka iyo FA Cup-ka.

Chelsea ayaa mareysa tijaabo tii ugu adkeyd maalinta sabtida ah taasoo ay Semi finalka marti galin doonta kooxda ay horyaalka sida wayn ugu xifaaltamaan ee Tottenham kuwaasoo la xasuusto in todobaadkii lasoo dhaafay 2-0 Manchester united uga soo adkaatay.

Conte ayaa isha ku hayya sida uu ku iloowi lahaa niyad jabkii ksoo raacay icyaartaasi sidoo kale Cahill ayaa rajeynaya in ay ka adkaadaan dhigoodo Tottenham.

“taasi waa Muhiimadeena (in aan ku guuleysano Labo koob)”Gary Cahil ayaa sidaa u sheega saxafada.

“waa mid aad u wanaagsan sidaa hadii ay dhacdo waana ku hami weynahay, ka koox ahaan waxaan usoo jeednaa sida aan ugu guuleysan laheyn FA Cup-ka, midna ┬áhore baan u xaqiijinay balse hadii aan kusii darno waa faaido faaido la dul saaray”

Gary Cahill Chelsea Premier League

“Waa inaa isku diyaarina sidaa oo kale, waa inaa sidaa oo kale Sameynaa, waa arin wanaagsan in aan dib ugu ciyaarno Wembley, waana garoon aad ugu wanaagsan ku ciyaarista”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *