Home » Horyaalada » Tababaraha Kooxda Everton Oo Ka Hadlay Qatarta Weeraryahanka Manchester United Ee Ibrahimovic.

Tababaraha Kooxda Everton Oo Ka Hadlay Qatarta Weeraryahanka Manchester United Ee Ibrahimovic.

Maamulaha kooxda Everton Ronald Koeman ayaa ka hadlay qatarka kooxdiisa uga iman karta weeraryahanka kooxda Manchester United qaarowga 35 jirka ah ee Ibrahimovic.
Ronald Koeman ayaa ka dhawaajiyey in uusan marna shaki galin Karin awooda ciyaareed ee laacibkan uu leeyahay kuna tilmaamay inuu ka mid yahay mid ka mid ah ciyaartiiyda ugu wanaagsan ee ka ciyaarta horyaalka Premier League.
Ibrahimovic ayaa kaga soo biiray Red Devils kooxda reer France ee Paris Saint-Germain beeca xurta ah xilli ciyaareedkii tagay isagoon haatan u dhaliyey 26 gool dhamaan tartamada.
Kadib sedex kulan oo uu ganaax kaga maqnaa kooxda Red Devils, 35 jirkaan ayaa kulan caawa ay wajahayaan naadiga Everton dib ugu soo laabanaya safka koowaad ee kooxda Manchester United.
Ronald Koeman ayaa yiri “Waan kulanay Isaga sedexdii ama shantii bilood ee lasoo dhaafay. Waxan ka wada hadalnay waqtigii aan kusoo wada qadanay kooxda Ajax, waxa uu haatan u ciyaaraya sidii waagaa oo uu haa 19 jir iyo hada waa isku mid.”
Kooxda Everton ayaa kaalinta todobaad kaga jirta kala sareynta horyaalka Premier League, iyadoona sedxe dhibcood ka danbeya kooxda booska shanaad fadhida ee Manchester United oo ay caawa wada kulamayaan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *