Home » Latin America » Tababaraha Xulka Brazil oo Magacaabay Kabtan Cusub Iyo Sidii Ay Ciyaaryahanadu U Kala Hogaamiyeen Xulka Kadib Iscassiliddii Neymer.

Tababaraha Xulka Brazil oo Magacaabay Kabtan Cusub Iyo Sidii Ay Ciyaaryahanadu U Kala Hogaamiyeen Xulka Kadib Iscassiliddii Neymer.

Inter daafaceeda Miranda ayaa xirandoona calaamadda kabtanimo kulanka ka tirsan isreebreebka koobka adduunka ee ay caawa Brazil la cayaraari doonto Uruguay.

 

Tababare Tite ayaan dooran kabtan joogta ah tan iyo magaacbitiisi June 2016, ayadoo taa badalkeeda ay calaamadda kabatanimo ay ku dhex wareegaysay ciyaaryahanada ugu magaca wayn safka Brazil.

Miranda named Brazil captain

Kadib markii kabtankii hore Brazil Neymer uu ku dhawaaqay in uu iska cassilay kabtanka joogtada ah  ee Brazil kadib ku guulaysigiisii Olypics sannadii lasoo dhaafay.

Miranda ayaa noqon doona kabatankii ugu horeeyay ee uu magacaabo tababaraha waqtigan ee Tite, kaas oo doorkaan lagu abaal mariyay kadib markii uu 3-0 ku garaacay Equador September 2016.

Brazil captains 23032017

 

Dani Alves ayaa   xirtay calaamadda kabtanimo kulamadii ay Brazil ka hortagtay (Colombia and Argentina), halka Fernandinho uu xirtay kulan ay Brazil ka hortagtay (Peru).

Flippe Luis oo xirtay kulan ay Brazil la ciyaartay (Venezuela) iyo Renato Augusto oo ka hortagay (Bolivia) ayaa sidoo kale hogaamiyay kooxda.

Robinho and Diego, ayaa labduba horkacay kooxda intii lagu guda jiray kulankii saaxiibtinimo ee January ka hortageen Colombia, ciyaartaas oo kaliya ciyaarayeen ciyaaryahanda ka ciyaara Brazil.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *