Home » Horyaalada » La Liga Spain » Tababare Hogaamiyo Naadiga Eldense Ee Heerka 3-aad Horyaalka Spain Cayaarto Oo La Xiray Iyo Sababta!

Tababare Hogaamiyo Naadiga Eldense Ee Heerka 3-aad Horyaalka Spain Cayaarto Oo La Xiray Iyo Sababta!

Tababaraha lagu magacaabo Fillippo di Pierro ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii kooxdiisa heerka sedexaad horyaalka Spain cayaarto Eldense 12-0 kaga badisay naadiga Barcelona B ama kooxda labaad ee Barcelona iska leedahay.

Tababare Fillippo di Pierro ayaa looga shakiyay inuu qaatay lacago sidoo kalena cayaartan si ku tala gal ah kooxdiisa Eldense ugu hogaamiyay in 12-gool shabaqooda lagu xaaqo.

Sidoo kale waxaa la xiray tababaraha labaad ee kooxda Eldense kaasi oo lagu magacaabo Francisco Ruiz iyo masuulka iska leh kooxdan shirkada maamuso oo Talyaani ah.

Waxaa la sheeegay in kooxda Eldense dhamaan cayaartooydeeda aysan qorshahan waxba kala soconin balse 4-cayaaryahn loo xil saaray fududeenta in kooxdan 12-0 ay kaga badiso naadiga Barcelona B.

Cheikh Saad oo ahaa cayaaryahan kooxda Eldense ka tirsanaa sidoo kalena badal ahaan aan la adeegsanin ayaa sheegay in qaar ka mid ah cayaartooyda kooxdiisa loo balan qaaday in la siinayo €30,000 (£26,000) hadii ay bandhig liito gudaha garoonka ka muujiyaan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *