Home » Horyaalada » Tababare Zidane Iyo Waxa Uu ka Yiri Soo Laabashadiii Xalay Ee Kooxda Real Madrid.

Tababare Zidane Iyo Waxa Uu ka Yiri Soo Laabashadiii Xalay Ee Kooxda Real Madrid.

Tababaraha u dhashay xulka France Zinedine Zidane oo hadana ah leyliyaha kooxda Real Madrid ayaa ka hadlay kulankii xalay kooxdiisa ay 2-1 guul kaga gaareen naadiga  Real Betis.

Real Madrid waxa ay sameysay dadaal badan oo ugu danbeyn u suuragaliyey inay helaan sedexda dhibic ee ciyaarta halka maamulaha kooxdan Cadcadka Zinedine Zidane uu amaan hubiyey dhamaan xidigaha kooxda juhdigii ay ku bixiyeen in mar kale hogaanka u qabtaan horyaalka La Liga oo gacantooda ka maqnaa dhawaanahan xilli 2-1 ay ku maquuniyeen kooxda Real Betis.

Kabtanka kooxda Madrid ahna badbaadiyaha xilliyada adag ee kooxda Los Balances Sergio Ramos uu dhaliyey daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta goolka guusha iyadoo waqtigaasi ciyaartu aheyd 1-1 dhamaan xidiigaha kooxda ayaana ku dabaal dagay garoonkooda Santiago Bernabeu.

Cristiano Ronaldo iyo Ramos ayey Madrid kaga mahad naqeysaa laba gool ee u sahashay inay qaataan sedxda dhibic ee ciyaarta taasna ayaa kooxda Real ka dhigtay inay hogaanaka La Liga fooqa sare ka fariistaan iayadoo kooxda Barcelona ay guul daro 2-1 kala kooxda Deportivo La Coruna ka hor inta aysan ciyaarin kooxda Real Madrid.

“Ololaheena horyaalka waa mid aad u wanaagsan hadana waxaan gacanta ku dhignay sedexda dhibic ee kulanka waxayna qeyb ka tahay hardanka aan ku dooneyno horyaalka La Liga xagaagan,” ayuu yiri Zidane.

Ugu danbeyntiina Zidane ayaa ayaa amaan gooni ah u soo jeediyey goolhaye Keylor Navas oo xalay iska dhaliyey gool ‘KAMA’A’ah waxa uuna ku tilmaamey geesi kooxda guul u horseeday.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *