Home » Horyaalada » La Liga Spain » Tababare Zidane Oo Aan Ku Faraxsaneyn Natiijadii Allianz Arena, Muxuuse Ka Yiri Guushii Xalay?

Tababare Zidane Oo Aan Ku Faraxsaneyn Natiijadii Allianz Arena, Muxuuse Ka Yiri Guushii Xalay?

Tababare Zidane ayaan dareemeynin farxad badan inkastoo kooxdiisa ay guul kusoo gaartay banaanka, wuxuuna aaminsan yahay iney u qalmeen goolal badan kulankii ay xalay 2-1 kaga adkaadeen Bayern.

Zidane ayaa wajahay macalinkiisii hore sidoo kalana uu kasoo hoos shaqeeyay waqtigii Madrid ee Carlo Ancelotti, balse 10-xidig oo Bavarian ah ayey 2-gool ugu badalaan gool hogaanka looga qabtay.

“Waan niyad jabsanahay sababtoo ah waxaan helnay fursado fiican qeybtii labaad iyagoo ku ciyaarayay 10 nin, gool kale waa nagu fiicnaan lahaa, balse waxaan garaacnay darbiga goolhayaha” Ayuu yiri Zidane oo aan la dhicin natiijada Allianz Arena.

Si kastaba, macalinka da’da yar ee reer France ayaa aaminsan in natiijadii ay heleen ay si waafi ah kaga caawin karto ineysan wax qalqal ah dareemin lugta labaad.

“Waxaan dhalin karnay gool kale, walina ma aanan xasilin kulanka” ayuu yiri Zidane.

“Waan dhibtoonay qeybta hore, waana ku faraxsanaa iney soo dhamaato iyadoo 1-0 hogaanka nalooga hayo” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Sinaba uma aheyn rigoore, balse waxyaabahaas oo kale wey dhacaan, 2-0 natiijo ah xaaladda ayey nagu xumeyn laheyd”

“Qeybtii labaad, waxaan ku guuleysanay inaan kubadda ka ilaalino Bayern, mana jecla iney ciyaaraan iyagoon kubad heysan”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *