Home » Europe » Tababare Zidane Oo Soo Bandhigay Shax Cusub Oo Uu Kala Hortagi Doono Deportivo Alaves.

Tababare Zidane Oo Soo Bandhigay Shax Cusub Oo Uu Kala Hortagi Doono Deportivo Alaves.

 

Waxaan arki doonnaa shax aad uga duwan middii ay Real Madrid ay kala hortagtay Athletic Club kahor intii la aaadin ciyaaraha caalimga ah.

Zinedine Zidane ayaa la rajaynayaa inuu sameeyo wax ka badan shan badal booqasha ay  kooxdiisu ku tagyso kooxda booska 10-aad ee Alaves.

 

 

Casemiro ayaa laganaaxay halka seddexda xidig ee reer Latin America ee Marcelo, Keylor Navas ,iyo James Rodriguez lanasin doono.

 

Daafaca midig ee reer Brazil Danilo ayaa tababar ku qaadanayay xereda tababarka ee Valdebebas labadii isbuc ee la ciyaarayay ciyaaraha caalamiga ayadoo laga yaabo inuu si wacan ugu soo bilaawdo booska Caravajal kaas oo ciyaaray daqiiqad kasta oo kamid aheed ciyaarihii ay guusha xulkiisu ka gaareen wadamada Israel iyo France.

Kiko Casilla ayaa lagu badali doonaa Navas, ayadoo gool hayahan shaki lagilanayo mustaqbalkiisa.

 

Sergio Ramos ayaa noqon doona mid kale oo lanasiyo ayadoo Pepe iyo Vrane ay iska kaashan doonaan doorka daafaca dhexe ee kooxda Madrid, halka Nacho asna la cayaar siin doono booska daafaca bidix ee uu dhawaca kaga maqnaan doono Marcelo.

 

Toni Kroos ayaa sii cayaari doona booskaqadka dhexe ayadoo ay kula lammaan sanaan doonaan  Luka Modric iyo Isco.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *