Home » Europe » The Sun Oo Soo Saartay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Chelsea & Man United – Paul Pogba Oo Boos Looga Waayay.

The Sun Oo Soo Saartay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Chelsea & Man United – Paul Pogba Oo Boos Looga Waayay.

Labo kooxood oo waa weyn ayaa habeen danbe waxa ay isku arkayaan wareega 8da ee koobka FA Cup iyagoo u tartamaya kooxdii u soo bixi laheyd wareega afar dhamaadka oo Wembley lagu ciyaari doono.

Chelsea ayaa martigelin doonta Manchester United iyadoo tababaraha Reds Jose Mourinho uu ku laabanyo Stamford Bridge isagoo raadinaya inuu guul ka gaaro kooxdiisa hore.

Kooxda Antonio Conte ee Chelsea ayaa ku dhow hanashada horyaalka Ingariiska halka Man United ay tartan ugu jirto inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Kulan kan la mid ah oo dhacay bishii October, Chelsea ayaa 4-0 ku xasuuqday kooxda Man United, laakiin sida aan aragnay durbaba xilli ciyaareedkan, wax walba ayaa dhici kara koobka FA Cup.

Marka dhaawacyada iyo ganaaxyada meel la iska dhigo, jariirada Ingariiska ee The Sun ayaa sameysay shaxda isku dhafka ah ee labada xul oo go’aan muran dhalin kara ay sameeyeen.

Dhanka goolka waxa ay soo xusheen goolhayaha Man United De Gea, halka daafaca ay min labo ugu kala qeybiyeen labada kooxood, iyadoo Antonio Valencia iyo Eric Bailly ay ka soo xusheen United halka David Luiz iyo Cesar Azpilicueta laga soo qaatay Blues.

Dhanka khadka dhexe waxa ay ka soo tageen xiddiga ugu qaalisan dunida ee Paul Pogba iyagoo min labo ciyaartoy ugu qeybiyay labada kooxood afarta khadka dhexe, N’Golo Kante iyo Eden Hazard ayaa laga soo xushay kooxda martida loo yahay halka Ander Herrera iyo Jaun Mata ay ka soo xusheen Red Devils.

Dhanka weerarka waxaa isla hogaaminaya Zlatan Ibrahimovic iyo Diego Costa

Shaxda Isku Dhafka Ah:

(4-4-2): De Gea; Antonio Valencia, David Luiz, Eric Bailly, Cesar Azpilicueta; N’Golo Kante, Ander Herrera, Juan Mata, Eden Hazard; Zlatan Ibrahimovic, Diego Costa

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *