Home » Horyaalada » Thierry Henry Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sida Dag Dag Ah Ee Ay Chelsea Ku Hanan Karto Horyaalka Premier League

Thierry Henry Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sida Dag Dag Ah Ee Ay Chelsea Ku Hanan Karto Horyaalka Premier League

Thierry Henry Ayaa aaminsan kooxda Macalin Antonio Conte uu hogaamiyo ee Chelsea in ay xaqiiqjisay hanashada horyaalka premier league bishan April waxeyna haatan hogaanka ku haysaa Chelsea todobo dhibcood oo ay kaga sareyso kooxda Tottenham waxaana xusid mudan kooxahan in ay wada ciyaari doonaan 22-April tartanka FA Cup-Ka.

Antonio Conte ayaa guul daro 2-1 kala kulmay kooxda Crystal Palace maalinimadii sabtida ahayd kulankii Stamford Bridge ka dhacay kaasoo nusqaan ku yimid dhibcihii uu hogaanka horyaalka ku hayyey.

Thierry Henry predicts how quickly Chelsea can win the Premier League title

Chelsea ayaa soo dhaween doonta Manchester City habeenimada arbacada ah ka hor inta aysan booqan Bournemouth iyo Manchester United ka hor inta aysan afar dhamaadka tartanka FA Cup-ka la ciyaarin Spurs.

Sidoo kale xidigii hore kooxda Arsenal ayaa aaminsan in ay Chelsea iska xaadirin doonto Wembley oo ayna la hoyan doonto tartanka FA Cup-ka sanadan.

Thierry Henry predicts how quickly Chelsea can win the Premier League title

“Hadii aan hogaamiyaasha horyaalka noqon laheyn sida chelsea oo kale sidoo kale aad arkeysid chelsea oo dhibco badan aad ka horeysid, si weyn ayaan uga cabsi qabi lahaa City Iyo United”Henry ayaa u sheegay Sky Sport.

“sida ay ila tahay seddexda kulan City, Bournemouth iyo United waa kuwa muhiim ah, hadii ay sii hogaamiyaan horyaalka waa faaido kale ka hor inta aysan ciyaarin  afar dhamaadka tartanka FA Cup-ka, sida ay ila tahay waa ay soo gabgabowday, balse Tottenham waxaa ay u baahantahay in Ay guuleysato” ayuu kusii dara Henry.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

2 Responses to Thierry Henry Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sida Dag Dag Ah Ee Ay Chelsea Ku Hanan Karto Horyaalka Premier League

  1. Mohamed Reply

    3-April-2017 at 6:10 pm


    FA Cup mawada ciyaari doonaan Manchester City vs Tottenham Hospurs waa qalad sidaa sheegteen, ee Manchester City waxee la ciyaari doontaa FA Cup Arsenal

    • Hamuudi Yusuf Reply

      3-April-2017 at 6:19 pm


      Waxaan Jeclaan Lahaa Aqriska Si Fican Inaad Ugu Laabato Oo Si foojigan Aad U Aqriso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *