Home » Horyaalada » Bundesliga » Tuchel: Ma Jiraan Wax Xaqiiqo Ah Oo Ku Aaadan In Aan U Dhaqaaqayo Kooxda Arsenal

Tuchel: Ma Jiraan Wax Xaqiiqo Ah Oo Ku Aaadan In Aan U Dhaqaaqayo Kooxda Arsenal

Jamaahiirta iyo maamulka kooxda Arsenal ayaa lasoo warinayye mudooyinkii danbe in ay doonayeen macalinka hogaamiya kooxda Borussia Dortmund ee Thomas Tuchel si uu shaqada ula wareego sanada soo socta.

Tuchel ayaa lala xeriirnayye in  uu shaqada ka badali doono macalin Arsene Wenger markii uu isaga hayaamo kooxda waxaana u socday wada hadalo ku aadan in uu soo caga dhigan doono Emirates Stadium.

Leeliyaha kooxda BVB ayaa waayihiisa tawabarnimo kusoo qaatay kooxaha Augsburg iyo Mainz wuxuuna ugu danbeyn shaqada macalin nimo ee koxoda Borrusia uu la wareegay sanadii 2015-ka ka dib markii uu isaga hayaamay shaqada macalin nimo ee kooxda macalin Klopp.

 

Tuchel ayaa yiri mar uu saxaafada la hadlayey ” waa sax waxaa jira wada hadalo ku aadan Gunners in aan kula jiro balse ma jirto wax xaqiiqo ah oo aan qaatay, haatan waan ku faraxsanahay in aan kusii sugnaado kooxda BVB”.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *