Home » Europe » Turan, , Wilshere, Jesus, Verratti, iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargaysyadu Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Khamiis ah.

Turan, , Wilshere, Jesus, Verratti, iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargaysyadu Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Khamiis ah.

 

Arsenal ayaa sameen doonta dalab ku kacaya  £25m oo ay ku doonayso qadka dhexe ee Barcelona xidiga reer Turky ee Arda Turan, oo 30 jir ah, xagaagan kahor inta aysan kooxda isaga tagin ciyaaryahanada Mesut Ozil oo 28-jir ah iyo xidiga reer Chile Alexis Sanchez oo 28-jir ah. (Times – subscription required)

 

Gunners tababaraheeda Arsene Wenger oo 67 jir ah, ayaa sheegay in taageerayaashu ay u baahan yihiin inay heelaan muuqaal si ay dib ugu xasuustaan wixii aan kooxda usoo qabtay. (Daily Mirror)

 

Arsenal iyo England qadkooda dhexe Jack Wilshere oo 25-jir ah ayaa ku qanacsaneen sii joogista Bournemouth, halkaas uu ku joogo amaah, taas oo ku eg xilli ciyaareedkan asagoona sheegay inuu doonayo in uu u dhaqaaqo meel ka baxasan England. (Bleacher Report)

 

Xidiga Barcelona iyo Brazil weerarka kaga ciyaara Neymer, oo 25-jir ah, ayaa sheegay xidiga ay isku waddanka yihiin ee weerarka kaga ciyaara Manchester City Gabriel Jesus oo 19-jir ah uu ku wanaagsan yahay in uu u ciyaaro Barca. (Sun)

 

Chelsea and Manchester United ayaa wada danaynaya lasoo dhaqaaqidda Paris St-Germain iyo Italy qadkooda dhexe Marco Verratti. Ayadoo wakiilka 24-jirkan uu sheegay in ciyaaryahankan uusan ku faraaxsaneen joogista France.  (Daily Mirror)

 

Real Madrid ayaa tixgalinaysa lasoo dhaqaaqidda xidigii hore ee garabka bidixkaga ciyaari jiray Tottenham Yuri Berchiche oo 27-jir ah kaas aan ciyaarin  hal ciyaar oo horyaal ah intii uu ku sugnaa White Hart Line intii u dhaxeesay 2008-10.Xidigan reer Spain ayaa amaah ku qaatay Cheltenham Town xilligiisii Spurs. (Marca)

 

 

Watford iyo Netherland garabkooda Steven Berghius,oo 25 jir ah, ayaa aaminsan inuu ugu soo laaban doono kooxda Premier League ciyaarta si joogta ah marka uu soo dhammeesto amaahda uu ku qaadanayo Feynoord(Watford Observer)

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *