Home » Europe » Champions League » UEFA Oo Xaqiijisay Inay Warqad Ka Heleen Kooxda PSG Iyagoo Ka Cabanaya In Garsoore Deniz Aytekin Uu U Hiiliyay Kooxda Barcelona Kulankii 6-1 ka.

UEFA Oo Xaqiijisay Inay Warqad Ka Heleen Kooxda PSG Iyagoo Ka Cabanaya In Garsoore Deniz Aytekin Uu U Hiiliyay Kooxda Barcelona Kulankii 6-1 ka.

UEFA ayaa u xaqiijisay jariirada Barcelona ka soo baxda ee SPORT inay warqad ka heleen Paris Saint-Germain iyadoo warqadaas ay kooxda Faransiiska kaga cabatay go’aanadii garsooraha Jarmalka Deniz Aytekin ee kulankii ay guuldarada 6-1 ka so gaartay Barcelona ee Camp Nou ka dhacay.

“Haa, waxaan warqad ka helnay PSG, laakiin ma dooneyno inaan wax intaas ka badan ka sheegno xaalada” ayaa ilo ka tiran UEFA ay u sharaxeen jariirada Sport.

PSG ayaa warqad cabasho ah u dirtay xarunta UEFA iyagoo kaga hadlaya sida ay uga xumaadeen garsooraha kulankii Barcelona sida ay sheegeen saxaafada Faransiiska, waxaana warqada ku qornaa 15 dhacdo oo ay dareemeen in Aytekin uu u hiiliyay Barca.

UEFA ayaa sidoo kale xaqiijisay inay daraaseynayaan go’aanadii Aytekin sida ay ku sameeyaan dhamaan garsoorayaasha ka dib ciyaaraha:

“Ciyaar walba waxaan qiimeynaa shaqada garsoorayaasha si aan u go’aansano kulamada loo dhiibayo mustaqbalka, laakiin kala duwanaansho weyn ayaa u dhaxeysa taas iyo in la yiraahdo waxaan talaabo ka qaadeynaa garsoore ama waan ciqaabeynaa.

“Anaga dhankeena, ciyaartii u dhaxeysay Barcelona iyo PSg waxa ay dhamaatay markii seerigii ugu danbeeyay la yeeriyay. Wax kale ma jiraan.”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *