Home » Horyaalada » La Liga Spain » Waa Sidee Xaaladda Lewandowski? Miyuuse Seegi Doonaa Kulanka Real Madrid? Carlo Ancelotti Ayaa Ka Jawaabaya.

Waa Sidee Xaaladda Lewandowski? Miyuuse Seegi Doonaa Kulanka Real Madrid? Carlo Ancelotti Ayaa Ka Jawaabaya.

Kulankii Der Klassiker ee xalay ka dhacay garoonka Allianz Arena wuxuu noqday mid walwal weyn ku abuuray Jamaahiirta Bayern Munich kuwaas oo ka walaacsanaa dhaawaca Muller iyo Manuel Neuer madama dhaawac looga saaray ciyaarta Robert Lewandowski.

Bayern waxey 4-1 ku xasuuqday Dortmund iyadoo kusii dhawaatay iney hanato horyaalka Bundesliga, balse dhaawaca Lewy ayaa noqday mid laga walwalo iyadoo maalmo kadib ay Munich kusoo dhaweyn doonaan Real Madrid.

Carlo Ancelotti ayaa kala cadeeyay xaaladda Lewy iyo hadii uu ciyaari karo kulanka quarter finalka koobka horyaalada yurub ee Champions League.

“Lewy waxaa soo gaaray jug, balse waaxda caafimaadka waxey ii sheegeen inuusan wax dhib ah laheyn kulanka Arbacada” Ayuu yiri Carlito.

28-jirkaan dhaliyay goolka afaraad ee Bavarians-ka ayaa la rajeyynayaa inuu wajaho Real Madrid kulanka lugta hore.

“Aad uma xuma Lewy” ayuu yiri Carlo.

“Ma doonayo inaan wax qatar ah galiyo”

“Waxaan u diyaarin doonaa si wacan arbacada” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Carlito.

Lewy waa hogaamiyaha ugu sareeya gooldhalinta Bundesliga madama uu 26-gool dhaliyay, halka Pierre-Emerick Aubameyang uu dhaliyay 25-gool.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *