Home » Horyaalada » La Liga Spain » Waa Sidee Xiriirka Ka Dhaxeeya Ramos Iyo Piqué Waqtigooda Qaranka? Julen Lopetegui Ayaa Ka Jawaabaya.

Waa Sidee Xiriirka Ka Dhaxeeya Ramos Iyo Piqué Waqtigooda Qaranka? Julen Lopetegui Ayaa Ka Jawaabaya.

Mudooyinkii dambe waxaa aad loo hadal hayay sida uu noqon doono xiriirkooda xidigaha Sergio Ramos Iyo Gerard Pique kuwaas oo ka kala tirsan labada kooxood ee ugu weyn kubadda cagta waqtigaan sidoo kalana aad ugu xifaaltama horyaalka La Liga.

Ramos iyo Pique dhawr jeer ayey xilli ciyaareedkaan dhexda ka galeen muranno dhanka garsoorka ah iyo waxa ku saabsan xifaaltanka labada kooxood ah, balse wax walba waxaa dhinaca kale u rogay markii kabtanka Los Blancos uu yiri iney aheyd habeen taariikhi ah guushii ay Barcelona ka gaartay Paris Saint Germain.

Si kastaba warbaahinta Spain ayaa baahiyay sawiro labada xidig oo ku sheekeysanaya tababarka xulka qaranka sidoo kalana wax badan kaftan wadaagay balse tababare Julen Lopetegui ayaa ka hadlay xaaladda labadaan xidig isagoo wareysi siinayay Nacho Sierra oo ka tirsan Movistar+.

“Waan ku kaftanaa waxa ku saabsan xaaladaan, waxaana u sheegay labadoda iney twitter-ka u gudbiyaan iyagoo xiran hal maaliyad. waa ciyaartoy aad daacad ugu ah labadooda kooxood, balse marka la yimaado halkaan si loogu ciyaaro Spain iney 100% yahiin ciyaartoy ay ka go’an tahay hal sabab oo ah in xulka laga dhigo mid awood leh”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *