Home » Horyaalada » La Liga Spain » Waa Tuma Saaxiibta Cusub Ee CR 7 Georgina Rodriguez? Cristiano Ronaldo Iyo Quruxleyda Madrid oo Shiday xafladdii Zurich

Waa Tuma Saaxiibta Cusub Ee CR 7 Georgina Rodriguez? Cristiano Ronaldo Iyo Quruxleyda Madrid oo Shiday xafladdii Zurich

Waa rasmiga in Cristiano Ronaldo yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa sannadkii 2016. Waxaan ogaaday in mar hore uu u qalmay abalmarintaan laakiin filashada in ay sidaan usoo muuqato gabadha shukaansi wadaaga ay yihiin ahna model caan ah Georgina Rodriguez ayaa aheyd wax cusub.

Labada shaqsi ayaa lagu arkay dhowr jeer oo hore goobo gaar ah, iyadoo xiddiga Real Madrid xitaa lagu eedeeyey in isbeddel weyn uu sameeyay markii ay gabadhaan wada booqanayeen Disneyland oo ku taala Paris, laakiin hadda si rasmi ah ayay kasoo muuqdeen goob caan ah.

Ronaldo iyo Rodriguez ayaa kaqwada qeyb galay xafladii lagu bixinayay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka FIFA taasoo lagu qabanayay magaalada Zurich,

Waxaa wehlinayay lamaanaha quruxda badnaa Cr 7 wiilkiisa Cristiano Jr, kaasoo sawir wada jir ah la galay labada lamaane inta ay soctay xafladda.

Who is Georgina Rodriguez? Cristiano Ronaldo attends FIFA awards with new girlfriend

Rodriguez ayaa ah shaqaale hore oo katirsaneyd dukaanka ugu caansan Madrid ee Gucci, waxaana markii ugu horeysay 21-sano jirka ay kasoo muuqatay xaflada xiddiga reer Portugal abaalmarinada lagu siinayay.

Labada shaqsi ayaa ku kulmay Dolce & Gabbana sanadkii la soo dhaafay, ka hor inta aan lagu arkin magaalada jecelka ee Paris bishii November.

Waxay ahayd farxadii ugu weyneyd weeraryahanka Real Madrid, kaasoo ku guuleystay Champions League iyo EUro 2016 sannadkii lasoo dhafay.

Inkastoo uu ku caan yahay luuqada Ingiriisiga haddana waxa uu xusay oo uu weyneeyay afkiisa Portugal, markii uu ka hadlayay xaflada kadib guushiisa.

Hadda waxaa mahadsan dadweynaha ii codeeyay, waxaan hubnaa in aan sii wadan dono guulaha sannadkaan cusub, uma jeedo wax ciyaartoy Barcelona ah oo nala jooga ayuu ku kaftamay Ronaldo.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *