Home » Horyaalada » “Wali Heerkaas Ma Gaarin Ee Yaa Ligu Tirin” N’Golo Kante Oo Si Dag Dag Jawaab U Bixiyay

“Wali Heerkaas Ma Gaarin Ee Yaa Ligu Tirin” N’Golo Kante Oo Si Dag Dag Jawaab U Bixiyay

N’Golo Kante ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in lagu tiriyo xidigaha ugu wanaagsan horyaalka premier league ama xidigaha  ugu wanaagsan dunida kuwa qadka dhaxe ka ciyaara.

Qadka dhaxe ee france ayaa magac weyn yeeshay ka dib markii ay Leicester City hanatay hopryaalka premier league xili ciyaareydkii 2015-2016, wuxuuna ka caawiyey kooxdaasi in ay ku guuleysato horyaalka premier league wuxuuna ugu danbeyn £30 million ugu soo dhaqaaqay kooxda Chelsea bilaawgii xili ciyaareydkan.

kante ayaa haatan ku jira xidigaha ugu wanaagsan horyaalka premier league kaasoo ay ku tashato kooxda Chelsea maadamaa uu u maareeyo kooxda Blues.

26-sano jirka da’da yar ayaa Daily Mirror u sheegay “xili ciyaaredkii lasoo dhaafay waxaan nahay guuleystayaasha kooxda Leicester sidoo kale haatan waxaanu nahay hogaamiyaasha horyaalka kooxda Chelsea”

“Waa sababta ay dad weynaha ii dhahayaan aniga, waxaan u cioyaaray labo koox oo aad u wanaagsan”

“kuma jiri xidigaha qadka dhaxe kuwooda ugu wanaagsan, waxaan la ciyaaraa xidigo wanaagsan sida sc Fabregas, Nemanja Matic iyo Nathaniel Chalobah.”

“waxaan doonayaa in aan hor mar ka sameeyo xirfadeeda kubad cagta, qaab difaaceed iyo qaab weerar ahaanba”.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *