Home » Horyaalada » France League I » WAR FARXAD LEH: Silva Oo Ka Dhawaajiyey Horyaalka Uu Ku Haminayyo In Uu ka Ciyaaro La Lig, EPL-Ka Ama Seria A

WAR FARXAD LEH: Silva Oo Ka Dhawaajiyey Horyaalka Uu Ku Haminayyo In Uu ka Ciyaaro La Lig, EPL-Ka Ama Seria A

Monaco ayaa ku jirta afarta koox ee isugu soo haray tartanka champions league taasoo kor u sida calanka Frnace una baahan in ay guulo ka gaarto tartanka champions league.

Kooxaha Premier league ka ciyaara ee Chelsea iyo Manchester United ayaa u xiiso qaba xidiga horyaalka Ligue 1 ka ciyaa ee u dhashay Portugal Silva, sidoo kale sheegay in uu ku riyonayyo in uu mar ka ciyaaro horyaalka premier league inta uu saaxada kubada cagta ku jiro.

Silva ayaa ku jiray xidgihii Monaco ka caawiyey in ay usoo gudbaan wareega afar dhamaadka tartanka Champions league sidoo kale gacan weyn ka qaadanaya loolanka weyn ay ku jiraan Monaco horyaalka Ligue 1 blase waxaa ku wada dagaalamaya xidigan kooxo badan oo ka kal dhisan horyaalada kala duwan ee qaarada yurub.

AS Monaco v Manchester City FC - UEFA Champions League Round of 16: Second Leg

“Haatan, waxan waqti wacan ku qaadanaya Monaco” Silva ayaa sidaa u sheegay saxaafada ka dib ciyaartii Monaco ay kasoo adkaatay BVB.

“waa xili ciyaareydkii seddexaad aan ka ciyaarayyo france balse xidig walba waxaa uu ku hamiyaa in uu ka ciyaaro horyaalka ugu wanaagsan dunida, Spain iyo England waa kuwa ugu wanaagsan, sidoo kale anne waxaan jeclahay mar uun in aan ka ciyaaro horyaaldaaasi”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *