Home » Europe » Wararka Suuqa La Liga: Ronaldo oo qasbaya Man Utd- Barcelona aqbaar wanaagsan ka heshay Verratti & Banega oo Sevill ku laabanaya

Wararka Suuqa La Liga: Ronaldo oo qasbaya Man Utd- Barcelona aqbaar wanaagsan ka heshay Verratti & Banega oo Sevill ku laabanaya

 

Xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo ku laabashada Manchester United markii uu diiday inuu sii joogo Spain.

32-sano jirkaan sida la filayo wuxuu diyaar u yahay inuu ka tago Spain kadib markii lagu eedeeyay qiyaano canshuur dowladda Spain ah.

Wargeyska Express Sport ayaa ogaaday in kooxdiisii hore ee United qaboojisay xiisaha ay u qabto Ronaldo, iyadoo la sheegay in aysan xamili Karin qiimaha sare ee lagu doonayo.

Laakiin The Sun ayaa ogaatay in Ronaldo uusan ku xiri doonin mushaar sare kooxda ku ciyarata Old Trafford haddii uu ku laabanayo.

halyeeyga Portugal ayaa isbuucii ka qaata kooxdiisa £ 365,000, laakiin The Sun ayaa ku warameysa in mushaarkaas uusan ku xiri doonin Manchester United.

Cristiano-Ronaldo-next-club-odds

Dhinaca Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Marco Verratti ayaa u sheegay kooxdiisa inuu jecelyahay ku biirista Barcelona.

Sida laga soo xigtay wargeyska Faransiiska L’Equipe, xiddiga  caalami ee dalka Italy ayaa ku wargeliyay agaasimaha isboortiga kooxda Ligue 1 Antero Henrique inuu doonayo u dhaqaaqista Camp Nou.

Verratti ayaa doonaya inuu ka ciyaaro tartan cusub ka dib markii uu ku guuleystay koobka kasta oo laga ciyaaro France tan iyo markii uu kasoo tagay Pescara sannadkii 2012.

Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa doonaysa inay ceshato ciyarayahanka, laakiin Barcelona ayaa dagaal ugu jirta sidii ay ku geyn laheyd garoonka Camp Nou.

Barcelona Transfer News La Liga Real Madrid

Sevilla ayaa xaqiijisay in ay ay wadahadalo kula jirto xiddiga Inter Milan Ever Banega si uu ugu soo laabto kooxda.

Madaxweynaha kooxda Jose Castro ayaa u sheegay Radio Sevilla: “Banega? Aad ayuu muhiim noogu yahay, Waxa uu si aad ah ula shaqeeyay Sevilla, waxa uu ku guuleystay waxa badan, waa ciyaaryahan fantastik ah.

“Annagu garan mayno haddii uu doonayo inuu kusoo laabto kooxdiisii hore, laakiin waxa uu go’aansan karaa inuu halkaan ka ciyaaro markale.

“Ma jiraan wax wadahadalo ah oo aan la sameynay Inter, laakiin agaasimaha Isboortiga kooxdeena ayaa la hadlay Banega.

“Waxaan isaga u damaanad qaadeynaa mushahar ka sareeya kan hadda uu ka helo Inter ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha kooxda Sevilla Jose Castro.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *