Home » Horyaalada » La liga » Wararkii Ay Maanta Wargeysyada Ingiriiska Ka Qoreen Kubada Cagta & Xanta Wararkaas

Wararkii Ay Maanta Wargeysyada Ingiriiska Ka Qoreen Kubada Cagta & Xanta Wararkaas


PaperTalk

Maalin Wanaagsan Dhamaan akhristayaasha Shabakadda Hiilkubad [Jimco Wanaagsan] waa xubintii aad mar walba nooga barateen ee aan idinkugu soo gudbin jirnay Wargeysyada iyo Waxyaabaha ay saakay ka qoreen kubada cagta.

Maalin walba waxaan soo gudbinaa wargeysyada kasoo baxa gudaha Dalka Ingiirska iyo waxyaabihii manta ay ka qoreen kubada cagta.

WARGEYSYADA INGIRIISKA

Macalinka Fulham Martin Jol oo beeniyay inuu qaab amaah bisha January ku qaadan doono Da’yarka Man United Wilfried Zaha [Waxaa Qortay ESP]

Kubad sameeyaha kooxda Benfica Nemanja Matic [25-jir] oo xiiseynaya inuu ku biro kooxda Chelsea marka la gaaro bisha January. [Waxaa Qortay Metro]

Kooxda Valencia oo diyaar u noqotay iney qaab amaah ah ku qaadato daafaca kooxda Liverpool Tiago LIori marka la gaaro January. [Waxaa Qortay Daily Express]

Leeds United oo dooneysa iney qandaraas mudo dheer ka saxiixdo da’yarkooda 18-jirka ah ee Alex Mowatt. [Waxaa Qortay Yorkshire Evening Post]

Xidiga garabka kaga ciyaara Cardiff City Kadeem Harris [20-jir] ayaa aqbalay inuu ku biro kooxda heerka labaad ee Brentford. [Waxaa Qortay Wales Online]

Kooxda reer France ee St Etienne ayaa shaacisay ineysan xujo ku noqoneyn in da’yarkooda 18-jirka Kurt Zouma ah uu ku biro kooxaha Premier League. [Waxaa Qortay Daily Express]

Jose Mourinho oo ku amaanay xulka England iney usoo baxaan Koobka Aduunka wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay iney ku guleysan karaan. [Waxaa Qortay The Sun]

Weeraryahankii hore Liverpool haatan u ciyaara West Ham United ayaa u duulay Belgium si u usoo qaato tababar u gaar ah oo jirdhis ah madama uu soo kabsan rabo kadib dhaawiciisii cagta hoose. [Waxaa Qortay Daily Mail]

Taageerayaasha Newcastle United ayaa soo cusbooneysiin doona dagaal ka dhan ah milkiilaha kooxda Mike Ashley berito oo sabti ah marka Liverpool ay soo booqato Anfield Road. [Waxaa Qortay The Guardian]

Halyeeygii hore Brazil Romario [47-jir ah] ayaa ka soo horjeestay in xiliga dambe lagu qabto koobka aduunka Brazil xaalada dhaqaale oo xun darteed. [Waxaa Qortay Daily Mirror]

Macalinka Liverpool oo shaaciyay in xidigii ugu wanaagsana ee uu ebid soo tababaro uu yahay Kabtan Steven Gerrard. [Waxaa Qortay Daily Mirror]

Tababaraha Mexico Victor Manuel Vucetich [58-jir ah] ayaa cadeeyay inuu shaqadiisa u waayay Macalin Miguel Herrera [45-jir ah]. [Waxaa Qortay NCB Sport]

Diego Armando Maradona oo shaaciyay inuu doonayo inuu tababare u noqdo Napoli marka uu Rafael Benitez ka dhaqaaqo. [Waxaa Qortay La Gazzetta Dello Sport]

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close