Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada.

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada.

Chelsea ayaa aaminsan iney soo xerogalin karaan weeraryahanka Everton Romelu Lukaku kadib markii 32-jirkaan heerka caalami uu diiday inuu heshiis cusub saxiixo. (Mirror)

Manchester United, Real Madrid iyo Juventus ayaa sidoo kale wada xiiseynaya saxiixa weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku. (The Sun).

Kubad sameeyaha Marsielle Maxime Lopez, kaas oo 19-jir ayaa shaaca ka qaaday inuu dalab ka helay Liverpool si uu badal ugu noqdo Coutinho. (Independent).

Ciyaartoyda Arsenal ayaa lumin doona gunno ku qiimeysan malaayiin pound hadii ay kooxda ku fashilanto iney usoo baxdo tartanka Champions League. shan dhibcood ayeyna ka dambeeyaan Liverpool iyagoo hesyta laba kulan baaqi ah. (Mail).

Goolhaye Thibaut Courtois kaas oo 24-jir ah ayaan qorsheyneynin inuu ka tago Chelsea kuna biiro Real Madrid xagaagan. (London Evening News).

Sidoo kale Real Mdrid waxey isha ku heysaa goolhayaha Manchester United David De Gea midka Tottenham Hotspur Hugo Lloris  si ay badal ugu noqdaan Keylor Navas. (London Evening News)

Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuusan xiiseyneynin ku laabashada Barceona. xilli Balaugrana ay raadineyso badalka Luis Enrique oo ku dhawaaqay inuu bixi doono dhamaadka xagaagan. (Mirror)

West Ham United ayaa si wadajir ah u xiiseyneysa 28-jirka Arsenal Luacas Perez iyo weeraryahanka Juventus ninka reer Croatia Mario Mandzukic. (Times Iyo The Sun).

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *