Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada.

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada.

Tababare Antonio Conte ayaa doorbidaya mushaar dhan 13 Malyan Oo Pound sanadkii oo ay siineyso Inter Milan waana laba laabka mushaarka uu haatan ka qaato Stamford Bridge. (The Sun).

Manchester City ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato daafaca As Roma iyo qaranka Jarmalka Antonio Rudiger kaas oo 24-jir ah, waxeyna ku baadi goobeysaa 30 Malyan Oo Pound. (Mirror)

Wakiilka Yaya Toure oo 33-jir ah, ayaa shaaca ka qaaday in xidigaan reer Ivory Coast uu ku biiro karo Manchester United hadii uu dalab ka helo. (Sky Sports).

Macalinkii hore Spurs Harry Redknapp oo 70-jir ah ayaa lala xiriirinayaa shaqada Middlesbrough, xilli Boro ay 3-dhibcood u jirto iney kaga badbaado heerka labaad. (Mail).

Kooxaha Sevilla iyo Inter Milan ayaa si wadajir ah u xiiseynaya weeraryahanka Tottenham Hotspur iyo xulka qaranka Koonfurta Kuuriya Son Heung-Min oo 24-jir ah. (Lndon Evening Standard).

Weeraryahanka Everton iyo qaranka Belgium Romelu Lukaku oo 23-jir ah ayaa isku dayaya inuu kooxdiisa ku qasbo in la iibiyo sida uu ka dhawaajiyay xidigii hore Everton leon Osman. (BBC Radio 5 Live).

Kabtanka Barcelona Andreas Iniesta oo 32-jir ah, ayaa soo jeediyay in caawiyaha kooxda Juan Carlos Unzue loo dhiibo xilka tababaranimo ee kooxda. (Daily Telegraph)

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *