Home » Horyaalada » italian Serie A » Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada.

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Waxyaabahii Ay Qoreen Wargeysyada.

Kooxda Liverpool ayaa 50 Malyan Oo Pound kusoo iibsaneysa daafaca halista ah ee Southampton Virgil van Dijk, sidoo kalana Klopp wuxuu diyaar u yahay inuu lasoo saxiixdo xidiga RB Leipzing Naby Keita. (Times).

Jose Mourinho ayaa rajeynaya inuu lasoo saxiixdo 26-jirka Atletico Madrid Antoine Griezmann, 23-jirka Everton Romelu Lukaku, si uu u abuuro sadexley weerar oo uu qeyb ka yahay Zlatan Ibrahimovic. (The Sun).

Arsene Wenger ayaa u sheegay weeraryahankiisa Alexis Sanchez kaas oo 28-jir ah in kooxdiisa aysan madax furasho usiin doonin lacagaha uu haminayo ee ah 300,000 kun isbuucii. (Guardian)

Everton ayaa dooneysa iney mar kale jabiyaan rikoorkodoa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, iyagoo rajeynaya iney Willian Jose kusoo iibsadaan lacagtii Lukaku. (Daily Mail)

Kooxaha Horyaalka Shiinaha ayaa si daran u xiiseyaya Sanchez, iyadoo Arsenal ay si daran ugu farxi doonto iney koox dibadda ah ka iibiso. (Express).

Inter Milan ayaa diyaarineysa aduun dhan 60 Malyan oo Pound oo ay kula saxiixdaan 18-jirka da’da yar ee qaranka France Kylian Mbappe, kaas oo ay doonayaan kooxo badan oo yurub ah. (talksport)

Barcelona oo qorsheyneysa iney buuxiso booska Neymar Junior, hadii ay lumiyaan 25-jirkaan reer Brazil kaas oo lala xiriirinayo Manchester United. (Dirio Gol).

Manchester United ayaa weyn karta saxiixa 29-jirka reer Belgium Dries Mertens madama ay Inter Milan qarka u saaran tahay iney la saxiixato. (Daily Star).

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *