Home » Europe » Warbixin: Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbineysa Kylian Mbappe – 100 Malyan & Olivier Giroud Ayey Diyaar La Tahay.

Warbixin: Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbineysa Kylian Mbappe – 100 Malyan & Olivier Giroud Ayey Diyaar La Tahay.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa iney qarka u saaran tahay dalab labaad iney ka gudbiso xidiga As Monaco & qaranka France Kylian Mbappe kaas oo ah xidiga loogu doonista badan yahay qaaradda yurub xagaagan.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London waxey diyaar la tahay aduun dhan 100 Malyan oo Pound oo la raaciyay adeegga weeraryahanka reer France Olivier Giroud kaas oo aan boos joogto ah ka heysan Emirates Stadium.

Arsene Wenger ayaa lasoo wariyay inuu dalab dhan 121.8 Malyan ka gudbiyay Kylian Mbappe dhawaan halka Zinedine Zidane isna uu ku doonayo 118 Malyan oo Pound sida laga soo xigtay L’Equipe.

Si kastaba macalinka reer France ayaa si daran u doonaya adeegga xidiga da’da yar ee tayada wanaagsan si uu ugu yaraan xitaa ugu qanciyo saxiixiisa Alexis Sanchez oo gadood ka ah kooxda.

Sida warbixinta lagu sheegay Wenger waa shaqsiga ugu cad-cad madama uu waqtiyo hore fursad qaali ah siiyay da’yar reer France ah oo ay ka mid yahiin: Nicolas Anelka, Thierry Henry iyo xidigo kale kuwaas oo Gunners ku muujiyay awoodooda kubadda cagta.

Nicolas Anelka ayaa yimid Gunners isagoo 18-jir ah sanadkii 1997 halka Thierry Henry uu yimid isagoo 22-jir ah sanadkii 1999 – waxeyna waayahooda kaga mahadinayaan Arsene Wenger.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *