Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Chelsea Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Xidig As Monaco Tiemoue Bakayoko

Warbixin: Chelsea Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Xidig As Monaco Tiemoue Bakayoko

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa iney heshiis shaqsi ah la gaartay xidiga khadka dhexe kooxda As Monaco ee dalka faransiiska Tiemoue Bakayoko iyadoo ay suuragal tahay inuu xagaagan usoo dhaqaaqo Stamford Bridge.

22-jirkaan heerka caalami ayaa is baray kooxaha qaaradda yurub wuxuuna xagaagan kasoo muuqday jkooxdiisa 41-kulan isagoo ka caawiyay Monaco iney noqoto kooxda ugu sareysa horyaalka League 1-ka sidoo kalana ay joogto quarter finalka tartanka Champions League.

Sida warbixinta lagu sheegay wakiilo ka socda Manchester United, Arsenal iyo Juventus ayaa daawaday Bakayoko kulankii ay kooxdiisa kasoo gudubtay manchester City markaas oo uu dhaliyay goolka ay kusoo baxeen kooxdiisa.

Si kastab wariyaha arimaha Spain ee aadka loo xushmeeyo Gullem Balague ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea ay haatan ugu horeyso loolanka loogu jiro xidigaan kadib markii ay si shaqsi ah ula heshiisay.

Hogaamiyayaasha horyaalka ayaa u baahan kaliya iney Monaco kala heshiiyaan qiimaha xidigaan inkastoo la fahansan yahay in ugu yaraan 50 Malyan oo Pound aan lagu iibin doonin.

Ugu dambeyntiina Bakayoko haatan waxaa lagu soo daray xulka qaranka France kadib markii uu badalay Paul Pogba oo dhaawacmay wuxuuna ka hortagi karaa Spain iyo Luxembourg.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *