Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Liverpool Oo Qiimaha Naby Keita Kala Heshiisay RB Leipzig & Waqtiga La Dhameyn Doono Oo La Ogaaday.

Warbixin: Liverpool Oo Qiimaha Naby Keita Kala Heshiisay RB Leipzig & Waqtiga La Dhameyn Doono Oo La Ogaaday.

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska – Liverpool ayaa ugu dambeyn ka farxisay jamaahiirteeda kadib markii ay RB Leipzing kala heshiiyeen qiimaha kubad burburiyaha reer Guinea Naby Keita.

22-jirkaan heerka caalami ee 12-kii bilood ee lasoo dhaafay wacdaraha ka dhigay Bundesliga ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo qaaradda yurub ah, balse Liverpool & tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa si gaar ah ula dhacay awooddiisa.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa lagu soo waramay in Liverpool laga soo diiday laba dalab oo ay ka gudbisay xidigaan kuwaas oo lagu kala sheegay 57.3 Malyan oo Pound iyo 66 Malyan oo Pound.

Winner Sports shabakadda la yiraahdo ayaa ka farxisay jamaahiirta Liverpool kadib markii ay soo wariyeen in laga heshiiyay qiimaha xidigaan iyadoo Reds ay ku qaadaneyso wiilkaan aduun dhan 74.5 Malyan oo Pound oo u dhiganta 83 Malyan oo Euro.

Sida warbixinta lagu sheegay – Naby Keita wuxuu noqon doonaa ciyaariyahanka ugu qaalisan Reds taariikhda, sidoo kalana Winners Sports oo xiganeysa ilo Jarmalka ku sugan ayaa qireysa in wadahadalada labada dhinac ay ku dhawyahiin iney mira dhalaan.

Isbuuca soo aadan ayaa la filayaa in sheekadaan lasoo afjaro – walow uu goor hore milkiilaha RB LeipzingĀ Dietrich Mateschitz sheegay ineysan iibin doonin xidigaan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *