Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Man United Oo Talaabo U Qaaday Marco Verratti & Paris Saint Germain Oo Shuruud Fudud Ku Xirtay Red Devils.

Warbixin: Man United Oo Talaabo U Qaaday Marco Verratti & Paris Saint Germain Oo Shuruud Fudud Ku Xirtay Red Devils.

Manchester United ayaa talaabo u qaaday helitaanka ciyaariyahanka khadka dhexe Paris Saint Germain & qaranka talyaaniga Marco Verratti sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska gaar ahaan jariiradda Mirror.

Red Devils waxaa loo sheegay iney heli karaan xidigii hore Pescara, balse waa in heshiiska uu qeyb ka noqdaa Anthony Martial – inkastoo loo arko iney tahay shuruud ay ka bixi karto kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford.

Jose Mourinho wuxuu durba sameeyay laba saxiix isagoo lacag ka badan 100 Malyan oo Pound kula soo wareegay Victor Lindelof iyo Romelu Lukaku, sidoo kalana waxaa kooxda si xor ah uga tagay Wayne Rooney.

Si kastaba qorshaha uu Jose Mourinho ku raadinayo xidig khadka dhexe ah waa mid aan caadi aheyn waxaana lala xiriiriyay Eric Dier, Fabinho, Nemanja Matic iyo Radja Naninngolan tiiyoo ay jirto inuu maanta talaabo u qaaday Marco Verratti sida warbixinta lagu sheegay.

Kooxda ku guuldareysatay iney difaacato horyaalka faransiiska ayaa diyaar u ah iney Marco Verratti u ogolaato ku biiritaanka Red Devils, balse waa inuu dhinaca kale aado Anthony Martial oo xagaagii 2015 kusoo biiray kooxda.

Wali wax natiijo ah lama gaarin, laakiin shayaadiinta cas-cas waxey isha ku hayaan iney ka miro-dhaiyaan wadahadalada ay kula jiraan kooxda Paris ka dhisan, arrinta ugu weyn ee Manchester United saacidi kartana waa in Marco Verratti uu dhawaan wakiil ka dhigtay Mino Riola.

Xiriirka ka dhaxeeya Mino Riola iyo Red Devils waa mid weyn madama uu dhawaan dhameeyay heshiiska ay ku heleen Romelu Lukaku sidoo kalana waa wakiilka Zlatan Ibrahimovic, Paul Pogba & Henrikh Mkhitaryan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *