Home » Horyaalada » Bundesliga » WARBIXIN: Maxaad ka taqaan 10ka goolhaye ee loo xulan karo shaxda kooxda ugu fiican Yurub xilli ciyaareedkaan?

WARBIXIN: Maxaad ka taqaan 10ka goolhaye ee loo xulan karo shaxda kooxda ugu fiican Yurub xilli ciyaareedkaan?

Xilli ciyaareedkaan 2016/17 ayaa ku dhaw dhamaad, iyadoo horyaalada qaar ka mid ah la xaqiijiyay kooxaha ku guuleystay.

Bayern Munich iyo Chelsea ayaa hantay Horyaalada Premier League iyo Budusliga, laakiin Liga, Serie A iyo Ligue 1ayaa wali la isku heystaa.

Serie A, kooxda Juventus ayaa u baahan kaliya hal guul labada kulan ee u harsan si ay ugu guuleysato horyaalkii 5aad oo xiriir ah.

Horyaalka France, Monaco ayaa u baahan hal dhibic labada kulan ee u harsan si ay ugu guuleysato Horyaalka kooxda ka dhisan Stade Louis II.

Horyaalka Spain, Real Madrid ayaa u baahan afar dhibcood labada kulan ee u harsan La Liga, si ay ugu guuleysto horyaalkii ugu horeeyay tan iyo 2012.

si kastaba ha ahaatee, kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu ayaa Horyaalka lumin doonta haddii ay hal qasaaro la kulmaan labada kulan ee u harsan, laakiin waa in Barcelona soo garaacdaa kooxda Eibar.

Horyaalada marka lasoo xiro ayaa la go’aansan doonaa ciyaartoyda ugu fiican ee ciyaratay shanta Horyaal ee ugu sareysa Yurub.

Hadaba waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa 10-ka goolhaye ee ugu fiican shanta Horyaal ee Europe, ka hor inta aan lagu dhawaaqin line-Upka kooxda ugu wanaagsan Europe.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *