Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Real Madrid Oo Abaabuleysa Qorshe Ay Eden Hazard Kaga Dhigeyso Xiddiga Ugu Qaalisan Dunida

Warbixin: Real Madrid Oo Abaabuleysa Qorshe Ay Eden Hazard Kaga Dhigeyso Xiddiga Ugu Qaalisan Dunida

Real Madrid waxey durba shaaca ka qaaday qorshe cusub oo ay ugu magac dareen “Hawlgalka Eden Hazard” balse waxey ku qaadan kartaa iney bixiyaan lacago gala rikoorka ugu qaalisan kubadda cagta si ay fursad ugu helaan saxiixa xiddiga Chelsea.

Chelsea waxey dooneysaa iney waqti dheer kusii madax adeegto heysashada Eden, balse waxey ka taxareysaa dareenka ah in Los Blancos ay xidigaan la damacsan tahay iney ka qeyb galiso saxiixyada Glatica-da ah ee dhawaan la sameyn doono.

Lama oga waxa ay go’aan qaadan doonto Blues hadii Real Madrid ay soo bandhigto qorshe lacageed meesha ka saaraya in Paul Pogba uu yahay kan ugu qaalisan kaas oo xagaagii lasoo dhaafay 89 Malyan oo Pound ku yimid garoonka Old Trafford.

Chelsea wali wax dalab ah kama helin Real Madrid kaas oo ku aadan 26-jirkaan heerka caalami, balse kooxda caasimadda waxey isku dayi doontaa iney jabiso rikoorka aduunka iyadoo 100 Malyan oo Pound u kaashi doonta Blues.

Jariiradda Marca ee Spain laga leeyahay ayaa boggeeda hore kusoo qortay in Chelsea ay albaabada u furi doonto qorshaha lagula wareegayo Hazard tiiyoo ay jirto iney maalmo dhaweyd shaacisay inuu xidigaan baranayo luqadda Spanish-ka si uu isugu diyaariyo nolosha Madrid.

Hazard oo 2012 kaga yimid Chelsea dhanka kooxda Lille wuxuu noqon doonaa xiddiga ugu qaalisan dunida hadii Madrid ay ku dhiiratao, Blues-na ay ogolaato isagoo in ka badan 10 Malyan oo Pound ka sareyn doona Paul Pogba.

XIDIGAHA UGU QAALISAN DUNIDA:

1) Paul Pogba

Juventus to Man United: £89.3m 

2) Gareth Bale

Tottenham to Real Madrid: £86m

3) Cristiano Ronaldo

Man United to Madrid: £80m

4) Luis Suarez

Liverpool to Barcelona: £75m  

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *