Home » Africa » Warbixin: Wadamada Usoo Gudbay Wareega 8-da AFCON 2017, Sida Ay Isugu Aadi Doonaan Ilaa Finalka & Xidigaha Hogaaminaya Gooldhalinta

Warbixin: Wadamada Usoo Gudbay Wareega 8-da AFCON 2017, Sida Ay Isugu Aadi Doonaan Ilaa Finalka & Xidigaha Hogaaminaya Gooldhalinta

Tartanka African Cup of Nation ayaa soo gaaray heerkiisii Quarter Finalka iyadoo xalay la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay wareega group-yada, waxaana dhameystirtmay sideeda wadan ee sida ciyaar wanaagga ah ugu soo baxay wareaga xiga ee tartanka.

Tartanka waxaa laga ciribtiray tartankii difaacanayay Ivory Coast kuwaas oo ku baxay gacmaha Morocco, sidoo kalana waxaa tartanka sanadkaan ka maqan Nigeria oo ka mid ah dalalka ugu magaca weyn leh tartankaan halka Zambia qudheeda aysan kasoo qeyb galin.

AFCON

Waxaan hoos ku faah-faahineynaa sida ay xulalka uga soo baxeen Group-kooda, Sidey isugu aadeen Quarter Finalka iyo sida ay isku arki karaan ila Finalka.

Groupka A:

Burkino Faso Iyo Cameroon – Ayaa kasoo baxay group-kaan kuwaas oo awoododa ku muujiyay, waxaana isaga haray tartanka Gabon iyo Guinea-Bissau.

Group B:

Senegal Iyo Tunisia – ayaa kasoo baxay group-kaan, waxaana tartanka isaga haray Algeria oo ka mid aheyd dalalkii loo saadaalinayay iyo Zimbabwe oo si fiican ugu hungowday tartanka.

Group C:

Congo DR iyo Morocco – ayaa si toos ah uga soo baxay group-kaan, waxaana gurigooda u laabtay Ivory Coast oo ah dalka difaacanayay iyo Togo oo aan bandhig muuqda sameynin.

Group D:

Egypt iyo Ghana – ayaa kasoo baxay iyadoo xulka Masaarida ay guul muhiim ah xalay gaareen waxeyna u aheyd habeen qurux badan, halka Mali iyo Uganda ay boorsooyinkooda ka qaateen tartanka.

ISKU AADKA QUARTER FINALKA:

KULANKA 1-AAD: Bufkino Faso vs Tunisia

KULANKA 2-AAD: Egypt vs Morocco

KULANKA 3-AAD: Senegal vs Cameroon

KULANKA 4-AAD: DR Congo vs Ghana

ISKU AADKA SEMI FINALKA:

Burkino Faso/Tunisia vs Egypt/Morocco

Senagal/Cameroon vs Dr Congo/Ghana

FINALKA:

Burkino Faso/Tunisia/Egypt/Morocco vs Senagal/Cameroon/DR Congo/Ghana

GOOLDHALINTA:

Gooldhalinta waxaa 3-gool ku hogaaminaya ciyaariyahanka reer DR Congo (Junior Kabananga), waxaana kusoo xiga Sadio Mane iyo Naim Sliti oo leh min 2-gool.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *