Home » Horyaalada » La Liga Spain » Warbixin: Xidigo Iyo Macalimiin Oo La Ogaaday Ka Hor Inta Aysan Usoo Dhaqaaqin Kooxda Ay Haatan Ku Suganyihiin Ama Usoo Ciyaareen Zidane, Andreas Iniesta Iyo Kuwa Kale

Warbixin: Xidigo Iyo Macalimiin Oo La Ogaaday Ka Hor Inta Aysan Usoo Dhaqaaqin Kooxda Ay Haatan Ku Suganyihiin Ama Usoo Ciyaareen Zidane, Andreas Iniesta Iyo Kuwa Kale

Qofna ma qiyaasi karo In Diego Simeone ama Zinedine Zidane midkood uu ku hamin jiray Barcelona, balse haatan waxaa dib loo xasuusiyay hadaladii ay yiraahdeen ka hor imaatinkooda Atletico Madrid Iyo Real Madrid waayahoodii ciyaaryahannimo, waxaana laga diiwaan galiyay hamiyo aan rumoobin.

Waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa ciyaartoy haminayay iney kooxo ku biiraan balse dhinaca kale aaday, warbaahinta Spain ayaana soo bandhigtay cadeymo muujinaya wareysiyadooda xiligaas.

Rafa Marquez Oo Doonayay Real Madrid

Mashiinka Mexico wuxuu yimid Barcelona oo ku jirta waqtigoodii ugu fiicnaa taariikhda, wuxuu yimid 2003 isagoo isaga tagay 2010, sidoo kalana kula guuleystay wax walba. si kastaba Mustaqbalka Rafa Marquez wuxuu ku wajahnaa Real Madrid.

Wareysi uu siiyay Marca ka hor imaatinkiisa Balaugrana ayuu ku yiri: “Runtu waxey tahay inaan nafsadeyda u arko iney xiran tahay cadaanka”

Diego Simeone Oo Doonayay Real Madrid

Diego Simeone wuxuu dhawr mar cadeeyay inuusan waligiis tababare u noqon doonin Real Madrid, sababto ah wuxuu noqday mid aan dooneyn inuu daacad darro u muujiyo Atletico Madrid.  Balse inta uusan usoo wareegin Rojiblancos isagoo ka tirsan Sevilla ayaa la xasuustaa inuu soo bandhigay jaceylkiisa Madrid: “Waxaan kaliya uga tagi karaa Sevilla inaan aadayo Real Madrid, inaan meel kale sheego waa igu been, ciyaariyahan ahaan waa caadi waana riyadeyda inaan u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha ugu weyn” Ayuu Diego Simeone u sheegay MARCA April 17, 1994.

Zindeine Zidane Oo Jeclaa Barcelona

Zinedine Zidane wuxuu noqday hogaamiye wax badan u tara Real Madrid ciyaariyahan ahaan iyo tababare ahaan, wuxuuna ka mid noqday ciyaartoydii ugu fiicnaa ee guuleystay waqtigiisii. Balse waxaan la xaqiri karin in Zidane ka hor imaatinkiisa Los Blacnso uusan Barcelona u arkin cadaw.

“Spain waxaa jirta laba kooxood kuwaas oo aan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro – Barcelona iyo Real Madrid, labadooda waxaan doorbidayaa Barcelona” Ayuu yiri Zidane oo la hadlayay Don Balon.

“Qoyskeyga waxey mar walba hadal hayaa Catalonia, markii aan yaraa waxaan lahaa laba kooxood Juventus iyo Barcelona, laga yaabee mustaqbalka inaan ka ciyaaro Camp Nou”.

Andreas Iniesta Oo Ku Riyoonayay Real Madrid

Andres Iniesta waa hogaamiyaha Barcelona, waa xidig hormar la taaban karo ka sameeyay kubadda cagta, balse lama iloobi karo inuu jeclaa Real Madrid. “Waxaan taageero weyn u ahay Real Madrid” Ayaa laga hayaa Iniesta.

Luka Modric Iyo Jaceylkiisii Barcelona

Luka Modric oo ka tirsan Dinamo Zagreb ayaa sanadkii 2008 waxaa wareysi la yeelatay Mundo Deportivo, balse qofna ma iloobi karo inuu wareysigaas markuu bixinayay gacanta ku watay maaliyad Barcelona ah. “Aniga iyo jaceylkeyga waxaan waqti xusuus leh ku bixinay Barcelona, waxaan dooneynay inaan daawano kulan ay la ciyaareysay Espanyol labadeena waxaan wadanay marada luqunta lagu duubto ee Jamaahiirta ee Barca. ayuu yiri.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *