Home » Falanqeynta » Wax Badan Waa Lis Bar Bardhigay Hazard Iyo Messi Balse Hazard Muxuu Ka Yiri Arinkaas?!! Dad Badan Wey Farxeen Halka Qaarkoodna Ay Naxeen

Wax Badan Waa Lis Bar Bardhigay Hazard Iyo Messi Balse Hazard Muxuu Ka Yiri Arinkaas?!! Dad Badan Wey Farxeen Halka Qaarkoodna Ay Naxeen

xdidiga kooxda Chelsea Eden Hazard  ayaa iska diiday in lala bar bar dhigo xidiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi, kaasoo amaan kala dul dhacay Xirfadlaha Reer Argentina.

Hazard ayaa ah xidiga ugu wanaagsan kooxda kaasoo waqti wacan ku jira maadaama ay kooxda Chelsea ay ku jirto waayo wacan oo ay hogaanka u hayso horyaalka Premier league taasoo todobo dhibcood kaga haysa kooxda Tottenham oo ah kooxda labaad ee horyaalka.

Weeraryahankan reer Belgium ayaa iska diiday in lala bar bar dhigo xidiga shanta jeer hantay bilida Ballon d’Or balse 26-sano jirkan ayaa xasuusta in uu taageero weyn ka haysto dunida.

 

Lionel Messi

“Ani Ahaan teyda, xidiga xirfadlaha ah waa [Zinedine] Zidane and Ronaldinho. [Juan Roman] waana kuwa looga haray baasaska iyo hal abuurka kubada” ayuu u sheegay Hazard France Football.

“Sidoo kale xidiga xiga waa Messi, ma jiraan wax uu ka sameynin kubada cagta, iskuma arko inaan gaaray heerkaasi, imana quseyso hadalada lis dhaafsanayo, mana noqon doono xirfad sidaa oo kale ah” ayuu kusii dara Hazard.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *