Home » Tech » Entertainment » Wax Ka Ogoow Rikooro Waali Ah Oo Ka Dhacay Horyaalka Premier League Qeybta 4-Aad.

Wax Ka Ogoow Rikooro Waali Ah Oo Ka Dhacay Horyaalka Premier League Qeybta 4-Aad.

Caadiyan kubada cagta waa heybad ay dad badan hamiyaan dadka qaar waxey u ciyaaraan dhaxal ahaan halka qaarkoodna ay u ciyaaraan jeceyl ay u qabaan kubada cagta.

waxaa jira kubada cagta rikooro kala duwan in la kala dhigto sida xidiga mucjisada dunida lagu tilmaamo ee Lionel Messi ayaa sameeyay rikooro kala duwan sida xidiga ugu qaadista badan bilada xidiga ugu wanaagsan dunida ee FIFA Ballon d’Or si la mid ah waxaa rikooro kala duwan uu u dhigay kooxda Barcelona iyo dhamaan tartamada kala duwan ee qaarada yurub.

sidoo kale xidiga kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa ah xidiga ugu goolasha badan kooxda Red Devils iyo xulka qaranka Dalka England  wuxuuna rikoorkaasi ka jabiyey Charlaton oo ahaa xidiga ugu goolasha badan United iyo xulka Seddexda Libaax.

Hadaba waxaa jira xidigo ama kooxo  sidaa oo kale rikooro kala duwan ka sameeyay horyaalka Premier League oo rikoor aan caadi ahayn ka dhigtay.

Wax Ka Ogoow Rikooro Waali Ah Oo Ka Dhacay Horyaalka Premier League QEYBTA 4-aad.

1.Xidigii hore kooxda Liverpool Nuri Sahin ayaa ciyaaray kulamo badan horyaalka Premier league wuxuuna ka badanyahay xidig walba ee ka ciyaara premier league kaasoo badal kusoo galay todobo kulan.

 

Nuri Sahin

2. Richard Wright ayaa ciyaaray 12-kulan horyaalka premier league kooxda Arsenal (12) Man City (0) wuxuuna ku guuleystay labo tartan oo kala duwan.

 

3. Iago Aspas ayaa soo qaaday ges ka laaydo badan taasoo ay ka dhigantahay in darbadiisa iyo gees ka laadkiisa badan tahay gees ka laadyada uu soo qado horyaalka premier league.

 

Iago Aspas

4. xili ciyaareydkii 1997/98, Andy Roberts ayaa ciyaaray 37-kulan horyaalka premier league afar ka mid ahna wuxuu ka horyimid kooxda Arsenal asigoo u ciyaaraya ( laba kulan Palace, laba kulan Wimbledon).Jordi Cruyff of Manchester United is challenged by Andy Roberts of Wimbledon

5.Terry Connor Macalinkii hore Wolves ayaa ah macalinka kaliya hogaamiyay 10-kulan  koox Premier league ka ciyaarta mana jiro kulan uu adkaaday kulamda uu hogaamiyay kooxda.

 

Terry Connor of Wolves looks on during the Barclays Premier League match between Wolverhampton Wanderers and Manchester City at Molineux on April 22, 2012

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *