Home » Horyaalada » Bundesliga » Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich Thomas Muller Oo Doonayyo In Uu Ku Biiro Koox Ka Ciyaarta Horyaalka Premier League Chelsea Mise Manchester United.

Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich Thomas Muller Oo Doonayyo In Uu Ku Biiro Koox Ka Ciyaarta Horyaalka Premier League Chelsea Mise Manchester United.

Bayern Munich xidiga weerarka ugu ciyaara Thomas Muller ayaa lasoo sheegaya in uu doortay kooxda uu u dhaqaaqi lahaa hadii ay dhacdo in uu isaga hayaamo horyaalka Bundesliga.

Muller ayaa doonaya in uu ku biro kooxda Manchester United markii la gaaro xili ciyaareydka soo aadan, xidigan oo ku guuleystay koobka aduunka ayaa lal xeriirinayey kooxda Red Devils balse Bayern ayaa iska dhaga tiraysay dalabyadii is daba joogay eek u aadanaa Muller.

27-sano jirkan ayaa Bayern Munich ku sugnaa tan iyo sanadii 2000 taasoo ay xusid mudan tahay in uu xidigan lasoo dalacay heerka labaad ee koxoda sidoo kale waxaa xusid mudan in xidign uu kula guuleystay koobab kala duwan sida shan horyalka Bundesliga iyo Champions league.

Thomas Muller celebrates scoring during the Bundesliga game between Bayern Munich and Darmstadt on February 20, 2016

Xidigan ayaa ku jira xili ciyaareydkan waayo xun tan iyo markii uu shaqada la wareegay macalin Carlo Ancelotti kaasoo 18-kulan kaliya ciyaaray horyaalka halka uu afar kulan kasoo muuqday kulamada ay ciyaarayso kooxda koobka qaarada yurub.

Sida ay qabto majalada Mundo Deportivo Muller ayaa wada hadalo u furaya kooxaha doonaya in ay ka wadaan kooxda uu kusoo indha qaaday ee Bayern Munich taasoo la ogsoonyahay in uu diirada saari doono United kaasoo doonaya in uu ka hoos ciyaaro Macalin Jose Mourinho, waxaana xusid mudan xidigan in uu shan goal dhaliyey 31-kii kulan uu kasoo muqday dahmaan tartamda.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *