Home » Europe » Wixii Dhex-maray Mourinho Iyo Conte Gacmaha Ayay Iskula Tagi Gaareen Iyo Sababta Ka Dambaysa

Wixii Dhex-maray Mourinho Iyo Conte Gacmaha Ayay Iskula Tagi Gaareen Iyo Sababta Ka Dambaysa

Jose Mourinho iyo Antonio Conte ayaa la kala qabtay intii uu socday kulankii wareega 8da  ee u dhaxeeyay Chelsea iyo Manchester United.

Labada nin ayaa isku dhacay kulankii Premier League ee labada kooxood u dhaxeeyay horaantii xilli ciyaareedkan, waxaana ay mar kale isku dhaceen qeybtii koowaad ee kulankii Stamford Bridge.

United ayaa aheyd kuwa careysan ka dib markii Michael Oliver uu casaan siiyay Ander Herrara kaasoo jalaafeeyay Eden Hazard.

Wax yar ka dib Antonio Valencia ayaa dardaray Marcos Alonso taasoo keentay in Conte uu si carro leh u jawaab celiyo.

Mourinho ayaa diiday inuu isdejiyo iyadoo garsooraha afaraad Mike Jones uu soo kala dhexgalay labada nin.

Intii uu kulanku socda waxa dhacay dhacdo la yaab lahayd oo ahayd in Tababare Jose Mourinho kubad kas ugu laago Tababare Antonio Conte taas oo keentay in ay labada Macalin gacanta iskula tagi gaareen

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *