Home » Horyaalada » Xaaladda Coutinho & Firmino, Dhaawaca Henderson, Halista Lukaku Jurgen Klopp Oo Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa’id Ee Ka Hor Kulanka Everton.

Xaaladda Coutinho & Firmino, Dhaawaca Henderson, Halista Lukaku Jurgen Klopp Oo Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa’id Ee Ka Hor Kulanka Everton.

Tababare Jurgen Klopp ayaa dhawaan saxaafadda hortagay isagoo jawaab celiyay dhawr su’aaloo oo ay saxaafadda wax ka weydiiyeen kulanka adag ee Merseyside Derby kaas oo sabtida xiliga qadada ka dhici doona garoonka Anfield Road. kulankaan waa kan ugu adag ee dhacaya sabtida kulamada horyaalka Premier League madama ay laba kooxood oo aad u xifaaltama isaga hor imaanayaan.

Waxyaabahii uu ka hadlay Jurgen Klopp waxaa ugu muhiimsanaa:

Taam ahaanshaha Coutinho iyo Firmino

Xaaladda Caafimaad ee Henderson

Qatarta uu ka filan karo Lukaku

Waxa uu ka dhigan yahay Merseyside Derby

Halkaan hoose ka aqriso shirkii jaraa’id oo faah-faahsan iyadoo saxaafadda ay dhawr suaaloo weydiiyeen balse tababaraha jarmalka ah kama gaban inuu ka jawaabo.

“Gabi ahaanba waa wax caadi ah inaad la xiriirto tababaraha xulka qaranka, waxaan labadeena wadaagnaa ciyaartoyda, dabcan ma aanan faraxsaneen” ayuu yiri Klopp mar wax laga weydiiyay inuu Southgate kala hadlay arimaha Lallana.

“Ma noqon karo mid wax yar ka walwala arintaas, balse maahan wax lagu eedeyn karo Gareth, kuma aanan faraxsaneen inuu ciyaaro arbacadii, balse maahan go’aankeyga” ayuuse mar kale ugu jawaabay mar wax laga weydiiyay sida uu u dareemay dhaawaca Lallana.

“Mar walba waa arin la xiriirta kulamada, marka aan ciyaareyno isaga iyo ciyaartoyda kale waa iney shaqo qabtaan, waxyaabahaas oo kalana waa dhacan”

Dhanka kale Jurgen Klopp ayaa ka hadlay sida uu u arko kulanka Merseyside Derby oo ah kan ugu weyn gobolka wuxuuna yiri: “Laba koox oo waaweyn oo ka dhisan hal magaalo, ma jiraan magaalooyin badan oo aduunka ah kuwaas oo leh kooxo cabirkaan iyo muhiimad sidaan ah leh, waa wax qaas ah”.

“Gabi ahaanba wax fursad ah ma heysto, wuxuu garoonka kula sugnaa tababaraha ku shaqada leh soo kabashada”

Si kastaba Jurgen waxaa mar kale lagu soo celiyay su’aal aheyd sida uu yahay dhaawaca kabtankooda Jordan Henderson iyo hadii uu ciyaari karo.

“Jordan wuxuu la xanuunsanayaa dib u dhac dhaawac ilaa iyo haddana tababarka ma imaan, shirkii jaraa’id ee ugu dambeeyay waxaan rajeeyay inuu tababarka kasoo qeyb galayo isbuucaan, balse waa inaan sugnaa wali”

“Kaliya waa su’aal waqti leh, waxba ma sameyn karno, waxaa qasab ah inaan si aad ah uga taxadarno, hadii ay jirto fursad yar uu ku ordo Henderson wuu sameyn doonaa. qatar ma galin doono, mar walba dhaawaca ayey ku dheereyn kartaa, ma ahan waqtigii ugu fiicnaa balse wax kale oo la sameeyo ma jiraan. waan sugeynaa waqtigaan marka uu soo laabto”

“Labadooda waa fiican yahiin, waan arki doonaa sida ay u wanaagsanadan, kooxda waxey sameysay wax walba oo dib loogu soo celinayo sida ugu dhaqsiyaha badan”

“Waxey qaateen safarkii ugu raaxada badnaa ee dhawaanahan, waxey lasoo guuleysteen Brazil, labadooda waxey u muuqdeen kuwa wanaagsan, aad bey muhiim noogu yahiin” ayuu yiri mar wax laga weydiiyay xaaladda Coutinho iyo Firmino.

“Qof walba wuu ku raaxeystay, inuu tababarta subaxdii kadibna uu waqti la qaatay qoysaskiisa. hadda dhamaantood wey garanayaan midka kale wanaagiisa”

“Waan ka helaa, dhabtii waa weeraryahan wanaagsan” Ayuu Klopp ku amaanay Romelu Lukaku oo wax laga weydiiyay hadii uu qatar ku noqon karo sabtida.

“Laga yaabee inaan hanad ku ahay fahamka kulamada darbiga ah, uma baahni ilbiriqsi aan ku rumeysto sida uu muhiim u yahay kulanka, waa waqtiga ay aduunkood dhan ku xeeran yahiin 90-keena daqiiqo, wey wanaagsan tahay, waan jecelnahay inaan ku fakarno in kubadda cagta tahay waxa ugu muhiimsan” ayuu yiri Jurgen isagoo ka hadlayay muhiimadda uu leeyahay kulankaan weyn.

“Garoonka wali waa garoonkeenii, Dhabtii aad baan u jeclahay iney i tusaan saameyntaan, ay noqdaan dagaalyahno, balse noqo mid dagaalyahan, balse aan aad u dagaal badneyn, kuna dirira wax walba oo aan isku dayeyno inaan kaga farxino Jamaahiirteena” ayuu yiri macalinkii hore Dortmund isagoo ka hadlayay xamaaadda Jamaahiirtooda markey joogaan Anfield.

Ugu dambeyntiina Jurgen Klopp ayaa amaanay Everton kuwaas oo qudhooda kusoo dhawaanaya afarta ugu sareysa waxeyna 6-dhibcood kaliya ka hooseyaan Liverpool oo booska 4-aad joogta.

“Everton waxey sameeyeen saxiixyo fiican, hadda sida cad wey ku dhaw yahiin halkii ay rabeen iney ahaadaan, waana wax u muhiim ah labada kooxood”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *