Home » Europe » Xanta: Sanchez, Mourinho, Lewandowski, Carrick, Lukaku, Alli, Rodriguez, Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Xanta: Sanchez, Mourinho, Lewandowski, Carrick, Lukaku, Alli, Rodriguez, Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

 

Arsenal weeraryahankeeda Alexis Sanchez oo 28-jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu wacitaan dhanka taleefamka ah ka helay Manchester United tababaraheeda Jose Mourinho si uu ugala haldo suuragalnimada in xidigani uu xagaaga kusoo biiro Red Devils. (Metro)

 

Mourinho ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in uu bartilmaameedsanayo Bayern Munchen iyo Poland weeraryahankooda Robert Lewandoweski oo 28-jir ah, hadii uu Zlatan Ibrahimovic oo 35-ah uu go’aansado ka dhaqaaqista kooxda maraca lagaaro xagaaga. (Don Balon via Express)

 

Heeshiiskii Chelsea ay kula soo saxiixanaysay weeraryahanka Belgium Romelu Lukaku oo 23-jir ah ayaa intiisii badanayd ay soo gabagaboowday si ay sheegayaan wararka ka imaaanaya talayaaniga. (Metro)

 

Manchester United ayaa wada hadallo la furtay Michael Carrick, oo 35-jir ah, si uu u ballaariyo qanadaraaska uu ku joogo Old Trafford. (Daily Mail)

 

Manchester City tababaraheedab Pep Guardiola ayaa dalban doona Tottenham danbeedkeeda bidix DannyRose, oo 26-jir ah iyo xidigaha ay isku kooxda yihiin ee Kyle Walker,oo 26-jir ah,iyo Delle Alli,oo 20-jir ah, xagaaga taas oo lamacna ah in tababarahani uu isha ku hayo xidigaha usoo baxay xulka England.( Manchester Evening News.)

 

Xidiga qadka dhexe ee reer Cololmbia James Rodriguez oo 25-jir ah, ayaa u sheegay Real Madrid in uu doonayo katagista kooxda caasimadda si uu ugu biiro Manchester United. . (Don Balon via Daily Star)

 

Inter Milan ayaa ku garaacday Arsenal iyo Chelsea saxiixa Kostas Monalas kadib marki ay lagaareen Roma heshiis ku kacaya £36.9 oo ay kula wareegayaan 26jirkan Greece u dhashay. (Telelombardia, via ESPN)

 

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *